|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya Ma Dhexdhexaadin Ayay Ka Dhex Waddaa Somaliland iyo Soomaaliya?
February 21, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Iyadoo maalintii shalay ahayd uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya gaadhay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo halkaasi kula kulmay Ra’iisal wasaarha dalkaasi, Abiy Axmed. Waxaa xiligaasi soo baxay warar sheegaya in madaxweyanah Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna tegi doono Addis Ababa, inkastoo madaxtooyada Soomaaliya markii dambe ay sheegtay in Farmaajo oo xiligaasi ku sugnaa dalka jabuuti uu dib ugu laaban doona Muqdisho. Soomaaliya iyo Somaliland waxay marwalba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin wadahadallo dhexmara, balse waxaa la isweydiinayaa halka ay wax ka socon la’ yihiin iyo sida Itoobiya ay uga midho dhalin karto heshiis labada dhinac ay gadhaan. “Dedaalka Itoobiya ay ku jirto in lagu guuleysan karo, waayo Itoobiya waa dal Afrikaan ah, labada dhinac ee wada hadlaya waa la jaar, xidhiidh fiican ayay la leeyihiin, duruufaha, siyaasadda iyo dhaqanka Afrikaanka waa dad uga faham badan dowladad Turkiga iyo dowladaha reer Yurub, marka runtii way kaga haboon tahay in Turkiga lagu qabto”. Waxaa sidaasi yidhi Cabdiraxmaan Caddami oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika. Mustaqbalka maxaa xal ah? Mar hadii ay muuqato in labada dhinac ay doonayaan in ay wada hadlaan, waxay dad badan qabaan aragti ah in heshiis la gaadho ay ka horeyso is fahan iyo isu soo dhawaansho. Waddada loo mari karo in labada dhinac ay xal gadhaan ayuu Cabdiraxmaan Caddami oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika sheegay in ay ka horeyaan arrimo dhowr ah. “Waa in kaslooni badan la abuuro iyo in kulamadu bataan oo in badan la is arko iyo in beesha caalamku ay qeyb ka noqoto oo ay fududeyso, labada geesoodna ay culeys ku saarto in xal laga gaadho wada hadallada.” Ayuu yidhi Caddami. Wuxuu intaas ku daray in arrimahaasi ay kala horreeyaan. “Dabcan Soomaaliya mowqifkoodu waxaa weeye in midnimada muqadas tahay, dastuurkooduna way ku taallaa, Somaliland-na madaxbanaanida waa muqadas, dastuurkooda ayayna ku taallaa, hasa ahaatee midna Qur’aan ma aha oo waxbaa la isla gaadhi karaa ama ha la isku noqdo ama ha la kala tago, laakiin af ay ku wada hadlaan iyagoo isku kalsoon oo la dhex jooga oo mid walba dhaliishiisa iyo waxa uu la imaanayo beesha caalamka hareer fadhido; anigu waxaan qabaa in wax uun lagu heshiin karo”. Ayuu raaciyay Caddami. Wadahadaladii horay u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya ayaan wax midho dhal kasoo bixin, waxaana in muddo ah hakad galay wadahadalada labada dhinac. Dowladda Turkiga ayaa safiirkii hore ee u qaabilsanaa Soomaaliya u magacawday in uu gadhwadeen ka noqdo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Hasayeeshee hada oo ay arrinta gacanta ku heyso dowladda Itoobiya ayaa waxaan kala cadeyn sida ay isu qaadan karaan dedaallada ay wadaan labada dhinac iyo in Itoobiya iyo Turkiga ay isku meel wax u wadaan. Related posts:Daawo Golaha Wakiilada Somaliland Oo la Horkeenay Xeer Ku Saabsan Maayiradda Golalaha Deegaanka Iyo... Xagee Ayuu ku Dambeeyay Gudigii Tacliinta Sare ee Madaxweynuhu Magacaabay........Guddoomiyihii Hore ... Cali Khaliif Oo Walaac Ka Muujiyay In Aanu fulayn Heshiiskii Uu La Galay Somaliland Iyo Sobobta! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|