Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika oo Ku Shiraya Tanzaniya Xilli Khilaaf Ba’an Uu Ka Dhex Jiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika oo Ku Shiraya Tanzaniya Xilli Khilaaf Ba’an Uu Ka Dhex Jiro
February 1, 2019 - Written by Reporter:

Carusha (WJN)- Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanad la ah waxuu uga furmaya dalka Tanzaniya, iyadoo ay jiraan xiisado iyo cadaawad toos ah oo ka dhex jirta qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw. iyadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jidhdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda.

Dhammaan madaxweynayaasha lixda wadan ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa u diraya ka qeybgalka shirkan madaxweyne kuxigeenkiisa koowaad halka madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ay ku matali doonaan ergo gaar ah oo uu u diranayo ka qeybgalka shirkaasi.

Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday.

Burundi ayaa ku eedeysay in Ururka Iskaashiga gobolka uu iska indha tirayay xidhiidhka sii xumaanayay ee kala dhexeeyo Rwanda, kaasi oo haatan Burundi ay u aragto inuu yahay cadowgeeda koowaad ee gobolka.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku eedeeyay dhigiisa Rwanda Paul Kagame inuu maalgelinayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay isku day afgembi oo ka dhan ah isaga, sidoo kalena uu tababarayay kooxo hubeysan si uu u wiiqo amniga ka jiro dalkiisa.

Dalka Rwanda ayaa sidoo kale xidhiidh wanaagsan aanu kala dhexeynin wadanka deriska la ah ee Uganda.

adaxda dalalka Bariga Afrika ayaa qeyb ka mid ah go'aanka loo gudbin doonaa

Saraakiisha Kigali ayaa ka cabanayay kiisas tacadiyo dhanka xuquuqul insaanka ah oo ka dhan ah muwaadiniinta dalkaasi Rwanda ee u safra Uganda.

Haseyeeshee, Rwanda ayaa marwalba beenisa eedeymaha ay Burundi usoo jeediso, halka Uganda ay ilaa iyo haatan ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.

Sida laga dheehanayo ajendaha rasmiga ah ee miiska saaran majiro wax muujinaya in cadowtooyada ka dhexeysa wadamadaasi looga hadli doono shirka.

 

COMMENTS
LINKS