Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Ninkii Isagoo Qabriga Loo Wado Soo Toosi Jiray? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Ninkii Isagoo Qabriga Loo Wado Soo Toosi Jiray?
February 1, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Nin u dhashay dalka Itoobiya oo labo bilood ka hor lagu tiriyay dhimasho kaddib markii uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro ayaa hadda geeriyooday.

Hirpha Negero ayaa shalay lagu aasay deegaanka Sibu Sire ee dalka Itoobiya, qaar kamid ah eheladdiisa waxay sheegeen in hadda uu u geeriyooday xannuun muddo dheer hayay.

Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa waggaasi lagu dhawaaqay inuu geeriyooday.

Markii uu naxashka kasoo kacay, sida uu qabo xeerka dhaqanka ee maxalliga ah, xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taas oo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan.

Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaasi.

Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka.

Hirpha Negero

“Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yidhi Etana Kena, isagoo sharraxayay sida uu Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka.

Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof ooyaya. Neefta ayaa igu xidhmeysay waxaana isku dayayay inaan kafanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo”. Ayuu yidhi.

Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag.

Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yidhi: “Waxaan hore us oo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”.

Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”.

 

 

 

COMMENTS
LINKS