Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Haya Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Jigjiga Gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Haya Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Jigjiga Gaadhay
February 3, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Guddoomiyaha xisbiga talada dowlad degaanka haya Axmed Shide uu maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga, isagoo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-Waal  Airport.

Axmed Side ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda u saraysa degaanka oo uu horkacayo Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo  masuuliyiin kale oo dawladda degaanka kamid ah, iyo waliba odayaal  dhaqameedka degaanka.

Haddaba  Axmed Shide guddoomiyaha XDSHSI ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dowladda deegaanka Soomaalida iyo odayaasha  degaanka.

Degaanka ayaa  muddooyinkii dambe waxaa hadheeyey khilaaf u dhaxeeyay Mustafe Cagjar  iyo Axmed Shide, waxaana imaanshiyahan maanta uu soo afjarayaa  khilaafkii muddooyinkii dambe u dhaxeeyey M/weynaha DDS Mustafe Cagjar  iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada degaanka haya ee XDSHSI.

 

WAJAALENEWS DESK

JIGJIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS