|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Iyo Samo-Falka Madaxtooyada Oo Is Casilay Iyo Sobobta!
February 5, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Guddoomiyaha hay’adda diiwaanka Sakada iyo samo-falka Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii, Madaxweyne Biixina uu ka aqbalay. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu Sheekh Siciid ku xaqiijiyay iscasilaadan, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Sheekh Siciid uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay dhawaan is casilaadda. Warku wuxuu sheegay in Sheekh Siciid is casilaadiisa ku sababeeyay arrimo u gaar ah oo uu uga maarmi waayay inuu u madaxbanaanado. Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu Sheekh Siciid ka aqbalay is casilaadda uu u gudbiyay ee ah inuu baneeyo xilka guddoomiyaha hay’adda diiwaanka sakada qaranka Somaliland. Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, waxa xilkan u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ka mid yahay masuuliyiin badan oo aanu Madaxweyne Biixi taaban, waxaana markii uu Madaxweyne Biixi talada qabtay xeer nidaamiyaha qaranka lagu hoos geeyay hay’adda samo-falka oo hore u hoos tagi jirtay madaxtooyada. Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo is casilaadan ayaanay noo suurtogelin.
Related posts:Daawo: Wareysi Munasibada ied-fidriga Fanaanada Caanka Ah Deeqo Afro iyo Fananka Weyn Osman Amito.Fa... DAAWO; Iskaashatada Muruq- Maalka Magaalada Tog Wajaale Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkada Sal... War Deg Deg Ah:Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Loo Magacaabay C/weli Sheekh Axmed Sheekh M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|