Guddoomiyaha Dalada Sonsaf oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Qabsoomida Doorashada Wakiilada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Dalada Sonsaf oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Qabsoomida Doorashada Wakiilada
February 14, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha dalada Ururada aan dowliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame, ayaa walaac xoogan ka muujiyay qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada oo loo mudeeyay dabayaaqada sanadkan 2019-ka, Isagoona sheegay in aanay muuqan in wax dadaal ah loogu jiro sidii ay doorashadu wakhtiigeedii loo mudeeyay ugu qabsoomi lahayd.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Sonsaf, ayaa mudanyaasha golaha Guurtida ugu baaqay in ay dabagal ku sameeyaan arimaha mugdiga geliyay qabsoomida Doorashada Wakiilada.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/6WzbXTH9ZzM

COMMENTS
LINKS