Guddiga Qandaraasyada Somaliland oo Shaaciyey In Heemo Books Ku Guulaysatay Daabacaadda Manhajka Maddarasada Diiniga Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga Qandaraasyada Somaliland oo Shaaciyey In Heemo Books Ku Guulaysatay Daabacaadda Manhajka Maddarasada Diiniga Ah
February 25, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddiga Qandaraasyada qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey laba Mashruuc oo kala ah daabicidda Manhajka Maddarasada Diiniga ah ee dalka oo ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu samaynayso oo ay ku guulaysatay Shirkadda Heemo Books iyo Raashin loo iibinayo xarunta Carruurta Derbi-jiifka ah ee Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa oo ay shirkad kale ku guulaysatay.

Guddoomiyaha Guddiga qandaraasyada qaranka, Agaasimaha guud ee Guddigaas, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Madaxda Shirkadda Heemo Books iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay muhiimadda qandaraaska iyo nidaamka cadaaladda ah ee uu u dhacay oo ay ka marag-kaceen shirkadihii tartanka ka qaybgalay ee aan iyagu guulaysan oo hambalyeeyey shirakdaha kale.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS