Duqa Ceerigaabo oo Baaq Ka Soo Saaray Xaalad Abaareed oo Ka Taagan Deegaanada Gobolka Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duqa Ceerigaabo oo Baaq Ka Soo Saaray Xaalad Abaareed oo Ka Taagan Deegaanada Gobolka Sanaag
February 21, 2019 - Written by Reporter:

Ceerigaabo (WJN)- Maayirka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiisiisa ayaa ka hadley saamaynihii ay abaarihii kala duwanaa ee dalka soo maray ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Sanaag.

Ismaaciil Xaaji Nuur Maayirka Ceerigaabo ayaa sidoo kale ka hadley Hay”add qaabilsan samahaminta Abaareed oo uu sheegay in ay war qadan ka gudbiyeen magaalada Ceerigaabo.

Duqa degmada Ceerigaabo, ayaa soo bandhigay baaxada ay leedahay magaalada Ceerigaabo iyo saamaynta abaarta wakhtigan ka jirtaa ay ku yeelatay bulshada kala duwan ee ku dhaqan deegaanada gobolka, isagoona baaq u diray Hay”addaha kala duwan iyo Xukuumada Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS