Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa
February 22, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Ale ha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xabaalaha Baqiic Marxuum dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo habeenkii xalay ahayd ku geeriyooday Cisbitaalka Haldoor ee magaalada Hargeysa.

Waxa aaska Marxuum Maxamed Rashiid, ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Xubno Wasiiro ah, Guddoomiyha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Muj, Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Xildhibaano, Aqoonyahan Culimaa u diin, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo dadweyne aad u tiro baadan.

Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ahaa Shaqsi caan ka ah gayiga Somalidu ay degto ayaa xilka wasiirul dawlaha Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ka soo noqday Xukuumadii Axmed Siilaanyo, isagoona  ahaa Saxafi ka soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da,waxaana lagu xasuustaa tabinta dhacdooyin iyo warar taariikhda galay iyo barmaamijyo xiiso leh.

Sidoo kale Marxuum Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Wuxuu Musharaxa madaxwayne ku xigeen ka noqday Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS