Dilal Siyaabo Kala Duwan Uga Dhacay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dilal Siyaabo Kala Duwan Uga Dhacay Magaalada Muqdisho
February 24, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Kooxo hubeysan ayaa xalay ilaa saaka siyaabo kala duwan dilal uga geystay magaalada Muqdisho, waxaana dilkii ugu danbeeyay lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya.

Askariga ayaa rag bastoolado ku hubeysan waxaa ay ku dileen subaxnimadii hore ee saaka duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa xerada Maslax iyo Ex-control Afgooye.

Sidoo kale rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa  degmada Dherkeenley gaar ahaan  xaafada Xaaji Gaabow ku dileen nabadoon siweyn looga garanayay degmada.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa la odhan jiray Muxyadiin Kilkilow ayaa si weyn looga yaqaanay degaanka sida ay sheegayaan goob joogayaal ka dhowaa halkaas.

Dilalkan danbe ayaa imanaya xili shalay galinkii danbe koox hubeysan sidoo kale toogasho ku dishay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

COMMENTS
LINKS