|
|||||
WAJAALE NEWS
Deg-Deg-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii iyo Ku Xigeenkii Gobolka Daadmadheedh Masuuliyiin Kalena U Magacaabay.
February 14, 2019 - Written by Editor:WAREEGTO MADAXWEYNE: 14/02/2019 Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Axmed Diiriye Cabdillaahi Ku: Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale) Ujeeddo: Xil-ka-Qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In aan masuusiliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Nuur Cismaan Guuleed Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ALLAA MAHAD LEH COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|