“Dawladda Farmaajo iyo Khayre Ee Xamar Ka Dhisani Ilaa Maalintii La Doortay Ilaa Maalinkaa Maanta Ah, Waxa Ay Somaliland Ku Hayaan Weerar Joogto Ah oo Dhaqaale, Cuna Qabatayn iyo Ka Been Abuurid Ah” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dawladda Farmaajo iyo Khayre Ee Xamar Ka Dhisani Ilaa Maalintii La Doortay Ilaa Maalinkaa Maanta Ah, Waxa Ay Somaliland Ku Hayaan Weerar Joogto Ah oo Dhaqaale, Cuna Qabatayn iyo Ka Been Abuurid Ah”
February 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibada xuska ciidanka qaranka Somaliland, ayaa eedeymo culus u jeediyey maamulka Xamar iyo Madaxweynahooga Farmaajo.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi in Farmaajo uu Somaliland ku hayo dagaal, Cuno Qabatayn iyo been abuur joogta ah.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey Dalalka deriska iyo caalamka ayaa yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa inaan caddeeyo inay Somaliland jaararkeeda iyo Caalamkoo dhan nabad ugu baaqayso, nabad baan u baanahay dal dhismayaanu nahay ciddna duulimaad kuma nihin, cid walba nabad baanu ka rabnaa, waxaase la yaab leh Dawladda maanta Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Kheyr ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah, waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinacwalba leh ay ku hayaan Qaranka Somaliland, Dagaaladaa laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka Cuna qabatayni waa joogto, ka been abuurka ahi waa joogto,
Waxaa la yaab leh oo taariikhdu inoo sheegaysaa dagaal cid guul ku gaadha waa la waayey Soomalina Soddonkii sanno ee u danbeeyey dagaal uun bay ku jirtay waanay wada degtay, caqliga toosani Soomaalidu maanta meelay joogtaba waxay u baahan tahay inay talo gaadhaan oo ay tashato, laakiin waxaan arkayaa dawladda maanta Xamar ka dhisan ee Baydhaba weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Putland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidamada Qaramada midoobay, ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu Fidmadeeda inaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinacwalba inaynu iska daafacno.

Waxa soo baxay oo Dawladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yidhaahdaan Somaliand xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen Xuduudihii isticmaarka ee Africa lagaga tegay aqbali mayno, ee waxaanu samaynaynaa xad beeleed.

Waxaa la yaab leh markii isaga la dooranayey (Farmaajo) waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Markii doorashadii xamar dhamaatayna waxaa la yidhi orod dalkaagii qabo oo ku noqo, waxaanu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaaliweyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo Toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga wuu inoo yimi wuu inooga waramay waxa meeshaa yaalla.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS