|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Warbixin La Xidhiidha Muranka Dhuleed Ee Udhexeeya Somaliya U Gudbisay QM Iyo Midowga Afrika!
February 27, 2019 - Written by Editor:Nairobi (W,N) – Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa warbixin ku saabsan “muranka badda” ee ka dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Monica Juma ayaa maanta sheegtay in dowladdeeda ay safiirada dalalka xubnaha ka ah QM iyo Golaha Ammaanka Ururka Midowga Afrika ee Nairobi ay siisay warbixin ku saabsan arrintan si ay uga caddeyso waxyaabaha la isku hayo. “Waxaan u gudbinay xaqiiqda arrimaha la isku hayo” ayey tidhi Monica Juma. Safiirada ay Monica sheegtay inay warbixin u gudbisay waxaa ka mid ah safiirka UK ee Nairobi Nic Hailey iyo kan Faransiiska Aline Kuster-Menager, kadib kulan ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee Nairobi. Ababu Namwamba, oo ah xoghayaha maamulka ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegay in sharafta dhuleed ee Kenya ay tahay mid lama taabtaan ah, islamarkaana Kenya ay u xaqiijisay dalalkii ay la hadashay inay tahay dersi wanaagsan. Monica ayaa dhinaca kale maanta sheegtay in Kenya ay diyaar u tahay inay wada-xaajood la gasho dowladda Soomaaliya, si arrintan xal looga gaadho. “Waxaa naga go’an in xiisaddan lagu xaliyo wada-hadal, waxaana ku rajo weynahay in xal la heli doono oo walaalaheen derisk nala ah iyo annaga aan is-fahmi doonno” ayey tiri Monica. Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay jawaab celin wanaagsan ka heshay dalalka ay arrintan kala hadashay. “Farriinta aan ka helnay dalalka dunida ayaa ah mid dhiir-gelin leh, oo ah in arrintan lagu xaliyo wada-hadal, sidaas darteed wada-hadalka waa waxa aan door-bideyno” ayey tidhi Monica. Waxaa muuqata in Kenya ay dalalka caalamka kasbaneyso oo ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan, hase yeeshee ma cadda waxa ay dowladda Soomaaliya ka sameyneyso arrintan. Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in maxkamad lagu kala baxo. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|