Dawlada Jabuuti Oo Lafilayo In Ay Cashuuro Dheeraada Iyo Cadaadis ku Soo Rogto Ganacsatada Iyo Saamaynta Ay Ku Keeni Karto Dalka!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Lafilayo In Ay Cashuuro Dheeraada Iyo Cadaadis ku Soo Rogto Ganacsatada Iyo Saamaynta Ay Ku Keeni Karto Dalka!!
February 15, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dawlada Jabuuti ayaa la sheegay In Damacsan Tahay sidii ay cashuuro xad dhaafa Ugu soo rogi lahayd Ganacsatada Kala Duwan Ee Dalka Jubuuti.

Wararka laga Helayo Xukuumada Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa tibaaxay inay damacsan tahay sidii cashuuro dheeraada usaari lahayd Ganacsatada dalkeeda taasi oo xiligan ay ku hawlan tahay sidii ay dhawaan uhirgalin lahayd arimahan.

Xogaha laga helayo Xukuumada madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa Intaa ku daray in shir  dhawaan ay yeeshaan madaxwayne geele iyo xubno kamida wasiirada ugu dhow dhow lagu qorsheeyay in cashuuro xad dhaafa  iyo cadaadis lagu bartilmaameedsano ganacsatada qaar ay ku hawlan yihiin diyaarinteeda taasi oo xiligan hadii dawlada jabuuti hirgaliso keeni kara saamayn balaadhan in ay ku yeelato dalka gaar ahaan tartanka loogu jiro ganacsiga xorta ah.

Arinta ay ku hawlan tahay dawlada jabuuti ayaa hadii ay hirgaliso gala cabsi qabaan in hoos u dhac wayn ay ku keento horumarka dalka iyo dadaal ay ganacsatadu ugu jiraan sidii ay ula tartami lahaayeen sayladaha aduunta iyo dabcan horumarka uu ku socdo ganacsiga geeska africa oo mudooyinkii udnbeeyay ay hormuud u ahaayeen ganacsatada reer jabuuti.

Sidoo kale qorshayaashan ay wado xukuumada Madaxwayne Geele ayaa La sheegay in lagu bartimaameedsanayo ganacsatada qaar iyadoo lagu wado qorshahan  ay ku lamaan tahay in qaab cunsuriyadeed oo ku salaysan  qabiil  lagu kaco ganacsatada aan iyagu hayb ahaan aan kasoo jeedin beesha Madaxwayne Geele Balse dalka gashaday maal galin, una dhashay balse xiligan lala damacsan yahay in la gula kaco arimo ka baxsan dawladnimada Sida Cashuuro Xaddhaafa oo lagu soo rogo xadhig iyo cadaadisyo kale,   taasi oo noqonaysa hadii ay xukuumadu fuliso mid dhaawac culus ku keenta taariikhda xukuumadu uu hogaamiyo Madaxwayne geele oo aan hore looga baran arimaha noocan oo kale,

Sikastaba ha ahaatee xukuumada uu mudada dheer Hogaaminayay Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele ayaa hadii ay qorshayaasha ay xiligan damacsan tahay ay hirgaliso waxay waajihi doontaa in guud ahaan dalka jabuuti ay galiso jawi kale oo soo dadajin kara  in dalku galo xaalad dib udhac iyo in ay rumoobaan dhaliilihii ay mucaaridka iyo Qaarkamida wadamada caalamku ku eedayn jireen Madaxwayne Geele ay banaanka yimaadaan, halka dhinaca kale ay abuuri karto in dalka jabuuti noqdo mid dib udhac dhinaca horumarka iyo isdhexgalka bulshadu Uhorseeda, Waxaase laga war sugi doonaa hadba jidka uu qaado Madaxwayne Geele oo taariikhda lagu xusi doono.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS