|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Imaaraadka Iyo Malta Oo Xog Cusub Ka Bixiyay Dilkii Mareeyihii DPW Ee Dekeda Bosaaso Paul Anthony Formosa!
February 5, 2019 - Written by Editor:Boosaaso (W,N) – Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Jaziirada Malta ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dilkii shalay ka dhacay dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda P&O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ruuxaasi ku geeriyooday ay sidoo kale la dhaawacmeen seddex kamid ah shaqaalaha Shirkadda oo mid kamid ah la sheegay inuu u dhashay dalka India. Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Boosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World. Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeey inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana Cali Dheere uu sheegay in arinta ay ka dambeysay kadib cabasho ay ka heleen shaqaalaha dekada Boosaaso. Meydka Paul ayaa la filayaa in loo qaado dalka Imaaraatka Carabta, waxaana kadib la sheegay in dalkiisa Malta loosii wareejin jiray. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|