|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawalada Aan Iskeed Isku Maamuli Karin Ee Somaliya oo Sheegtay In Ay Soo Celinayso Hantida Shacabka Somaliland
February 15, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Dawlada aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay soo celinayso hantida shacabka reer Somaliland. Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska dawlada aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare ahna gudoomiyaha gudida badbaadinta iyo soo celinta Hantida qaranka ee maamulkaasi, ayaa sheegay in kulan ay maanta gudidaasi ku yeesheen magaaalada Muqdisho ay Ra”iisal wasaarahooda u soo bandhigeen meelaha ay doonayso in gudidoodu ay ka hawl gasho ee lagu soo celinayo hantidii ay umada wada lahayd. Dhinaca kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inay ka shaqaynayso sidii gacanta shacabka dib loogu soo celin lahaa hantidii ma guurtada ahaa ee Xukumadihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray gacantooda ka baxay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|