|
|||||
WAJAALE NEWS
Dad Badan oo Laga Soo Daadgureeyay Tuulo Ay Dagaallo Ka Socdaan Suuriya
February 22, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Kolonyo baabuur ah oo gaadhayo ilaa 30 ayaa soo daadgureeyay tiro shacab ah oo ku go’doonsanaa tuulada Baghuz oo kamid ah goobihii ugu dambeeyay ay gacanta ku hayeen kooxda isku magacaawday khilaafada islaamka ee dalka Suuriya. Dadka inta badan laga soo daadgureeyay tuulada waxaa kamid ah haween iyo carruur ku hadhay tuuladaas. Arbacadii 2000 qof ayaa laga soo daadgureeyay halkaasi. Ciidammada Kurdiyiinta uu Mareykanka taageera oo ku hareereysan tuulada Baghuz waxay sheegeen in kumanaan shacab ah iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadka ay weli ku dhex go’doonsan yihiin halkaasi. Ciidammada waxay doonayaan in dadka rayidka ah laga saaro tuulada ka hor gulufka ka dhan kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka. Salaasadii ku dhawaad 50 baabuur oo ay saarnaayeen dad badan ayaa laga daadgureeyay halkaasi kaddib markii Qaramada Midoobey ay codsatay in la ilaaliyo badqabka shacabka ku go’doonsanaa Baghuz. Related posts:Wafti ka Socda Bandhiga Horumarinta Africa Iyo Xukuumada Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Dhismaha Jidka Isku... DAAWO: Wasiir Cukuse Oo Isbahaysiga Mucaaridka Jawaab Ka Bixiyey,Kana Hadlay Xubnaha Iska Casilay Xu... Badhasaabka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Hal Qof Oo Ku Dhintay Iska Hor Imaad Muran Dhul Ka Dhacay Dule... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|