|
|||||
WAJAALE NEWS
Daad Ku Soo Fatahay Suuqa Ashawa Ee Magaalada Diridhaba
February 21, 2019 - Written by Reporter:Diridhaba (WJN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in daad ku soo fatahay suuqa wayn ee Ashawa, daadkan ayaa ka yimid meelo ka baxsan magaalada halkaas oo roobab waawayn ka da’een maanta. Cidina waxba kuma noqon daadkan, iyadoo dadka aagaas wax ku iibiya loo sii sheegay in biyo daad ah uu kusoo wajahan yahay, isla markaana alaabahooda ka gurtaan. Ashawa waa suuq wayn oo alaabta bagaashka lagu iibiyo, sidoo kale waa goob dadku ka raacaan gaadiidka yaryar sida baajaajta ee xaafadaha magaalada u kala socda.
WAJAALENEWS DESK DIRIDHABA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Wasiirka Difaaca Dawlada Ingiriiska Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland Iyo Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliy... Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Masaajidada La Xidho, Kuna Taliyay In Go’aanka Laga Dhigo Ikhtiyaar Qofk... Si Kasta Ha Iigu Adkaato Danta Qaranka Ayaan U Aqbalayaa dhinicii Kalay U Xukumeen"Muuse Biixi Cabdi COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|