|
|||||
WAJAALE NEWS
Cabasho Laga Muujiyay Dhalinyarada Dahabka Ka Qota Buuraha Gobolka Sanaag
February 25, 2019 - Written by Reporter:Ceerigaabo (WJN)- Hay’adda arrimaha deegaanka ka shaqeysa ee Adeso ayaa walaac xoogan ka muujisay olole sii fidaya oo dadkii dhuxusha gubi jiray ay macdan uga qodayaan gobolka Sanaag. Madaxa Hay’adda Adeso, Faadumo Jaamac Jibriil ayaa sheegtay in olelaha qodida macdanta ay bilaabeen kadib markii hay’adda iyo odeyaasha deegaanka ay ku guuleysteen in la joojiyo jarista iyo gubida dhirta dhuxusha laga sameeyo. “Dadkii dhuxusha shidan jiray badidood oo laga joojiyeey wax ay ku yaaceen dhulka gubanta la yidhaahado ee macdanta oo ay ka heleen xogaa dahab ah, kuwaasoo ay ka iibsanayaan dad ajaaniib ah,” Ayay tidhi Faadumo Jibriil. Meelaha ugu badan ee macdan qodida si xoogan uga socota waxaa ka mid ah deegaanka Durduri iyo Buuraha Calmadoow ee gobolka Sanaag. Dadka ku howlan macdan qodida waa dhallinyaro u badan reer guuraa iyo xoolo-dhaqato, iyo qaar magaalooyinka kasoo iibsaday qalab lagu baadho dahabka. Madaxa Hay’adda Adeso waxa ay sheegtay in saddex kun oo dhallinyaro ah ay hadda macdan qodasho ka wadaan deegaanka buuraleyda ah ee Calmadoow. Waxaa macdanta iyo dahabka ay soo helaan dhallinyarada ka iibsata dad dilaaliin ah oo la sheegay inay u shaqeeyaan dad kale oo ajnabi ah. ”Dhalinta Macadanta ay qodayaan waxa ay ka iibsadaan dad ajaanib ah oo waxay ka siistaan lacago yar kuwaaso ay ku bedeshaan Jaad ,iyo waxaan naftooda waxba u tarayn”. Ayay raacisay Faadumo jibriil. Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay meelaha ay sida daran u saameysay xaalufka deegaanka iyo dhir dhuxuleynta, taas oo u nugleysay abaaraha. Shaqo la’aanta gobolka ka jirta ayaa dhallinyaro badan ku riixday inay xirfado ka dhigtaan dhir dhuxuleynta, iyo macdan qodida. Hasayeeshee madaxa hay’adda Adeso, Faadumo Jibril waxay walaac ka muujisay inay olelaha cusub ee macdan qodidu saameyn xun ku yeelato deegaanka . ”Waxa ay dhulkii ka qodeen Boholo kuwaaso dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha oo xiliyada ay da’aan roobabku way ku jajabayaan”. Faadumo ayay tidhi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
WAJAALENEWS DESK CEERIGAABO OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:“Inaga Dhibta Ina Haysataa Waxaa Weeyi, Aqalka Madaxtooyada Oo Kaliya Ayay Taladii Ku Urursan Tahay”... Daawo Garaad C/risaaq Garaad Soofe Oo Ka Hadlaya Madasha Nabadaynta Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud “Hadii Uu Jamaal Sidan U Hadlay, Ma laga Yaabaa In Loogu Jawaabo Waa Lagaa Saaray Kulmiye?”Cali Gura... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|