Askarta ONLF oo Lagu Daray Ciidamada Deegaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askarta ONLF oo Lagu Daray Ciidamada Deegaanka
February 9, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Tan iyo markii ay heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF ayaa waxa muuqatay in labada dhinac ay aad isugu soo dhawaanayeen.

Xaflad xalay ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa lagu mideyay ciidammada deegaanka iyo kuwa jabhadda ONLF, oo markii hore gooni u degenaa tan iyo markii ay yimaadeen deegaanka.

Waxaa xafladda ka soo qeyb galay saraakiil sarsare oo ka tirsan ONLF, odayaal dhaqameedyo, hogaamiyaasha bulshada iyo saraakiil ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Kun toddobo boqol iyo afartan dagaalamyaal ka tirsan ONLF ayaa la midoowday ciidamada deegaanka”, Fana ayaa sidaasi sheegtay.

Gudoomiyaha Jabhada O.N.L.F ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyhay in la qabto xaflad lagu mideeynayo Somaalida deggen dawlad deegaanka Soomaalida.

“Waa xaflad soo dhameeystirtay halgankii dheeraa ee muddada dheer socday, guulihii umadda ay hiigsanysayna wax badan ayaa laga gaadhay”, ayuu yidhi Maxamed Cumar Cismaan.

“Waa markii ugu horreeysay ee fursad noocaan tan la mid ah ay isugu yimaadaan dhamaan ururradii gobanima doonka iyo dhammaan shacabka oo ay hadafkoda ku gaadhan hab nabad-galyo ah”, ayuu intaasi ku daray Mr Maxamed.

COMMENTS
LINKS