|
|||||
WAJAALE NEWS
Askar Itoobiyaan Ah oo Ku Dhintay Shil Diyaaraddeed
February 10, 2019 - Written by Reporter:Khartuum (WJN)- Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Suudaan ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UN-ku leeyihiin. Shilkan ayaa ka dhacay xero ku taala Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Suudaan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay bur burka diyaarada. Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA ee ku sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey. Suudaanta koofureed ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka labada dal ka billowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo Malleeshiyaadka degaanka. Related posts:Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Farta Ku Fiiqay Cida Dhamayn Karta Khilaafka Qoyska ina Xasan Dalab Iyo... Wiil Dhalinyaro Ah Oo Isku Daldalay Gudaha Magaalada Berbera Xalay Iyo Ciidamada Booliska Oo Baadhis... Wasiir Maxamed Kaahin Oo Sheegay In La Diwangalin Doono Mujaahidiintii SNM, Qirayna In Intooda Xilal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|