|
|||||
WAJAALE NEWS
AMISOM oo Taliye Guud U Magacawday Sarkaal Itoobiyaan Ah
February 1, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ayaa janaraal Tigabu Yilma Wondimhunegn usoo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya. Tigabu Yilma oo kasoo jeedo dalka Itoobiya, waxaa uu xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire oo Uganda u dhashay. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa madaxa AMISOM Francisco Caetano Madeira. Tigabu Yilma ayaa in ka badan 30 sanno ee lasoo dhaafay xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka xoogga ee dalka Itoobiya. Related posts:Wasaarada Shaqo Gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland oo Kulan La Qaadatay Hay”addaha Ay Wada Shaq... Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Khudbadii Madaxwayne Biixi Ka Horjeediyay Labada Gole Aan... Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Laba Qof Oo Shalay Lagu Dhaawacay Buurta Kala Jeex Eedo Culusna Ujeediya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|