|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhri Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE
February 26, 2019 - Written by Reporter:Borama (WJN)- Shirkii Lixaad ee xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa lagu soo gabogabeeyey magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaana laga soo saaray go’aamo u qornaa sidan:- Qaraarka Golaha Dhexe ee Xisbiga Xisbiga Kulmiye Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Tixgelinaayana Dhammaan shuruucda iyo Qawaaniinta Ka Farcantay Distoorka Qaranka.
Ø Jiritaanka iyo qaranimada Somaliland Ø Midnimadda, nabadgelyadda, wada noolaanshaha, wada-jirka, walaaltinnimad iyo isku duubnaanta ummadda Somaliland. Ø Kalfadhiga 6aad ee Golaha Dhexe wuxuu farayaa dhammaan Hay’adaha kala-duwan ee Xisbiga sida golaha dhexe, guddida fulinta, golaha wakiilada, golaha wasiiradda, golayaasha deegaanka, guddiyadda goboladda, degmooyinka Guddiyada iyo dhammaan laamaha dibedda ee Xisbiga Kulmiye, in ay si joogto ah ubixiyaan qaadhaanka Xisbiga .
Hadaba si loo taabo-galiyo loona hirgaliyo Barnaamijkii siyaasadda ee Xisbiga, golaha dhexe wuxuu farayaa Xukuumada.
Xisbiga Kulmiye waxaa uu sidoo kale hambalyeynayaa Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland oo hawl-adag qaranka u haya hadh iyo habeenna heegan ugu jira difaaca dalka. Xisbiga Kulmiye waxaa uu u mahadnaqayaa Safaaradaha Dalalka aynu jaarka nahay ee Safaaradda Dalka Ethopia iyo Safaaradda Dalka Jabouti. Ugu Danbayntii Xisbiga kulmiye waxa uu mahadnaqayaa
Shirka kalfadhiga 6aad ee xisbiga kulmiye oo si balaadhan ugu mahadnaqaya shacabka Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama, Salaadiinta, madax-dhaqameedka, ganacsatada, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haween weynaha. Sidoo kale waxaa uu u mahadnaqayaa Mulkiilayaasha Hudheelada, gaar ahaan Saw Hotel oo shirka xisbigu si rasmi ah uga socday, gudoomiyaha Gobolka Awdal, gudoomiyaha Degmada iyo Golaha Deegaanka Boorama.
WAJAALENEWS DESK BORAMA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|