|
|||||
WAJAALE NEWS
Afrika oo Lagu Amaanay Martigelinta Qaxootiga Badan
February 11, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika u sheegay in dalalka reer galbeedka ay wax badan ka baran doonaan sida dalalka Afrika ay usoo dhaweeyaan malaayin qaxooti ah. Isagoo ka hadlayay furitaanka shirka madaxweyneyaasha Midowga Afrika uga socday magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dalalka Afrika ay xudduudahooda u fureen malaayin qaxooti ah inkasta oo aysan heysan kheyraad ku filan. Guterres ayaa sidoo kale amaanay dalalka Afrikaanka ah sida ay u caawiyaan dadka qaxootiga isla markaasna ay martigeliyeen. Afrika ayaa martigelisay in ka badan rubuc qaxootiga ku nool caalamka iyo in ka badan 20 milyan oo qof oo soo barakacay. Related posts:DAAWO;-Wasiir Kuxigeenkii Qorshaynta Ee Xilka Laga Qaaday Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadistiisa. Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Wiil Reer Somaliland Ah Ee Muqdisho Lagu Diley Sheegayna In Loo Haysto... Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Golaha Guurtida Ugu Baaqay In Ay Meelmariyaan Go,aanka Guida doorashooy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|