Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Saaka Markale La Horkeenay Maxkamada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Saaka Markale La Horkeenay Maxkamada
February 21, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markale la horkeenay Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo mudo bil iyo badh ku dhawaad ah ku xidhnaa Xabsiga magaalada Hargeysa.

Warar xogogaal ah oo ay helayso Shabakada Wajaalenews ayaa sheegaya in Abwaan Cabdiraxmaan Abees markii abaaro saacadu markay ahayd 9kii aroornimo la horkeenay Maxkamada ay shan xaajiyadood oo Boolis ah oo ay kala hogaaminayaan hogaanka Hawl gelinta Ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale iyo Taliyihii hore qaybta gobolka Saaxil Gaashaanle Aadan Cabdi Cawaale (Qushi) ay Maxkamada gudaha u soo galeen.

Sidoo kale wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Waalidiinta Abwaan Cabdiraxmaan Abees, Walaaladii iyo Abwaano doonayay inay dhagaystaan dacwada Abwaanka laga hor istaagay in ay gudaha u galaan Maxkamada gudaheeda, iyadoona dhinaca kale Ciidamadii Maxkamada horteeda ku sugnaa ay gaadiidka ka hor istaageen inay jidka maraan.

Xoghayaha ururka qareenada Somaliland Jamaal Xuseen, Abwaan Cabdi Good Abees iyo Garyaqaan Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaaji oo ku sugnaa Maxkamada, ayaa sheegay in la dhagaystay dacwada Abwaan Cabdiraxmaan Abees islamarkaana fadhigan ka xiga loo balansanyahay dhagaysiga dacwadiisa maalinta Sabtida ah.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS