Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Lagu Qaabilay Shirweynihii Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Lagu Qaabilay Shirweynihii Kulmiye
February 26, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo maalintii shalay ahayd Maxkamada gobolka Maroodi Jeex dib ugu soo celisay xoriyadiisii, ayaa maanta mar qudha ka soo dhex muuqday hoolkii uu ka socday Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Boorama.

Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hoolkii uu ka socday Shirweynaha Kulmiye ku soo dhaweeyay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, isagoona wasiirku Abwaanka uga mahad celiyay ka soo qay galka shirka.

Madaxweyne Muuse Biixi, oo soo hadal qaaday sii daynta Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayaa tusaale ugu soo qaatay sida garsoorka Somaliland u madax-banaan yahay. Isagoona abwaanka ku booriyey inuu rayigiisa cabbir karro, balse aan isaga iyo qayrkii loo dul-qaadan doonin haddii xayn-daabka shirciga ka gudbaan.

“Waxan ku faraxsanahay in maanta garsoorka Somaliland ay sii daayaan wiil dhallinyaro ah oo gabay tiriyey oo xukuumadda iyo Booliska maagay inay yidhaahdeen idinka uun baa baqdaye wiilku wax weyn muu geysane waa xor, waanu qaadanay oo garsoorku waa xor waana ku kalsoonahay, qofkana ma xidhnee haddii dadka xeerka ilaaliyaa arkaan inuu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane, maxkamaddaana noo kala xaq goysa, laakiin canaanta badan iyo cidna yaan lala hadlintu hadhowna waxa taalla dalku waa fowdo’e maxaad wax uga qaban weydeen. Waxannu ku dedaalaynaa dulqaadka, waxana aanu qaadanaynaa sida aad na farteen, dadweynahana waxannu ku waaninaynaa ilaalinta shuruucda”.ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale xogo ay heshay Shabakada Wajaalenews, ayaa sheegaya in Abwaan Cabdiraxmaan Abees halkaasi u tagay si uu ula kulmo Madaxweyne Muuse Biixi oo martiqaad u fidiyay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS