40 Cisho Ka Dib Ayaa La Hor Keenay Maxkamada Abwaan Cabdiraxmaan Abees,Maxayse ka Yidhaahdeen Ha’yadaha Xuquuqda Aadamuhu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
40 Cisho Ka Dib Ayaa La Hor Keenay Maxkamada Abwaan Cabdiraxmaan Abees,Maxayse ka Yidhaahdeen Ha’yadaha Xuquuqda Aadamuhu?
February 22, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo Mudo 39cisho ka hor ah ciidamada boolisku Xabsiga utaxaabeen  ayaa 21 bishan oo ku beegnayd maalin khamiis ah markii uhoraysay la horkeenay maxkamada gobolka maroodi jeex halkaasi oo lagu gudo galay dhagaysiga dacwadiisa .

Abwaanka ayaa waxay  xukuumada madaxwayne bixi ku haysataa suugaan uu ku cabiray xaalada dalka iyo tacadiyada ka jira saldhigyada iyadoo ay xeer ilaalintu kusoo eedaysay laba qodob oo kala ah aflagaado dawladeed iyo mid boolis

Xadhiga  Abwaan cabdiraxmaan abees ayaa waxaa  ka hadlay asxaabta qaranka, abwaanada reer Somaliland iyo badi shacabka Somaliland oo xukuumada ugu baaqay in abwaan xoriyadiisa loosoo celiyo

Sidoo kale xadhiga abwaan cabdiraxmaan abees ayaa waxaa dhankoodu xukuumada ugu baaqay in xoriyadiisa loo celiyo haayadaha udooda xuquuqda aadamaha  iyagoo xukuumada madaxwayne biixi ku dhaliilay xadhiga abwaan abees

Abwaan cabdiraxmaan abees ayaa lafilayaa in markale maalinta bari ah la horkeeno maxkamada gobolka maroodi jeex

HALKANKA DAAWO MUUQAALKA WARBIXIN LAGA DIYAARIYAY XADHIGA ABWAAN ABEES;

 

COMMENTS
LINKS