Yaa Lala Sugayaa Dhismaha Madaarka Boorama?-Wariye Cumar Maxamed Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Lala Sugayaa Dhismaha Madaarka Boorama?-Wariye Cumar Maxamed Cumar.
January 23, 2019 - Written by Editor:

Muddo ku siman 15 sanno ka dib waxa ay al-baabadu u laaban yihiin garoonka diyaaradaha magalada Borama ee Aadan Isaaq, garoonkan oo aan wax dayactir ah lagu sameyn muddadaasi ayaa indhahaagu qabanayaan isagoo sannadba sannadka ka danbeeya muuqaalkiisu sii foolxumaanayo,dadweynaha ku nool gobolkuna mar kasta ka naxaan dhismayaashiisa sii madoobanaya.

Garoonkan oo sagaashameeyadii ahaa garoonka keliya ee iskuxidha dalka iyo debedda lagana dhoofin jiray badeecado ganacsi oo kala duwan sida qaadka oo kale ayaa maanta ah kan ugu ayaanka daran ee ka jira S/land.

dhaqaale badan oo ay dhismihiisa iyo dayactirkiisaba isu keeneen muwaadiinita gobolka ,iyo qurbajoogtiisa  ayaan la ogeyn meel ay ka mareen ,welina ah sidii uu ahaa si kasii daran maadaama dhulboobka ka jira galbeeka Boorama oo galaaftay runwaygiisa,ama jidka dayuuraduhu ka duulaan ama kasoo degaan .

Dhinca kalena Xukuumaddihii u kala dambeeyey talada dalka S/Land ayaa tobannaan jeer soo hadalqaaday ,dhaqaalena ugu talogalay dhismaha ama dayactirka madaarkan balse ilaahay waxba kama aqbalin oo  ama dhaqaalihii loogu talogalay ayaa fara dhexdood ka baxay  ama meelo kale lagu buuxiyey  mid kastaana ku fashilantay inay madaarkan dib u hawlgeliso, iyadoo an wax rajo ah laga qabin in Xukuumadda M/weyne Muuse Biixi madaarkan  wehel u noqoto  oo ay wax ka bedesho maadaama anau miisaaniyaddaba ugu jirin .

Cid kasta oo S/land uga timaadda dalka debaddiisa ayaa kasoo degta madaarka caasimadda Hargeysa, balse haddii uu madaarkani magalada Hargeysa ay soo gaadho dhibaato ama ay mar joogsadaan hawlaha shaqo ee madaarkaasi aysan jireyn qof soo caga dhigta dalka S/Land.

Su’aasha la isweydiin karo ayaa noqon karta waa ayo cidda lala sugayo dhismaha Madaarkan Boorama iyadoo aanay wakhtilxaadirka muuqanin rajo laga qabo in madaarkaasi noqdo mid ka tirsan ama ka mid ah madaarada dalka ,loona aqoonsanayn  inuu yahay mid la hawlgelin karo .Dadweynaha reer awdal iyo reer S/land  ayaa laga yaabaa inay Madaarkan foolxumadiisa sii daawadaan sannado kale hadii aan la helin dad ay ku jirto damiir waddaninimo oo ka damqata xaaladda madaarkani.

QALINKII; Cumar Maxamed Cumar

 

COMMENTS
LINKS