|
|||||
WAJAALE NEWS
Xuutiyiinta Oo Lagu Eedeeyay lXuutiyiinta oo lagu eedeeyay leexsashada cunno gargaar In Ay Leexsadeen Mucawinooyin Gargaar Ah
January 1, 2019 - Written by Wariye:Hargeisa(wjn):-Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ka dalbatay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen inay joojiyaan leexsashada cunnada gargaarka ah ee ay sida weyn ugu baahan yihiin shacabka ku nool deegaannada ay ka taliso. Xog ururin ay samaysay WFP ayaa lagu sheegay in dadka rayidka ah ee ku nool caasimadda Sanca aanay helin cunnada gargaarka ah ee loogu talagalay. WFP ayaa intaa ku dartay in gawaari xamuul ah ay si sharci darro ah cunnada uga daabuleen goobaha lagu qeybin lahaa, raashinkaasi oo markii dambe lagu iibiyay suuqyada ama la siiyay dad aan xaq u lahayn. Xuutiyiinta ayaan ka jawaabin eedeyntaasi, balse waxa ay horay u beeniyeen inay leexsadaan raashinka gargaarka ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda Yemen ay dhalisay in 20 milyan oo ka mid ah shacabka dalkaasi ay cunno yari wajahaan, halka kala bar dadkaasi aanay hubin helitaanka cunnada gelinka xiga. “Dhaqankan waxa uu u dhigmaa sida in qof baahan laga xado cunnadii uu heli lahaa,” ayuu yiri David Beasley oo ah agaasimaha fulinta ee WFP oo war qoraal ah kasoo saartay arintaasi. 13-kii Disembar ayaa fallaagada iyo dowladda Yemen waxa ay ku heshiiyeen xabbad joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo ku aaddan magaala xeebeedka istaraatiijiga ah ee Xudeydah, taasoo muhiim u ah gaarsiinta gargaarka shacabka Yemen. Sabtidii la soo dhaafayna, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay dekedda kala baxeen ciidamadooda ayna ku wareejiyeen ilaalada xeebaha ee maxalliga ah, balse afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa su’aal galiyay sheegashadaasi. Dujarric ayaa sidoo kale sheegay in Xuutiyiinta ay fulin waayeen heshiis ahaa inay furaan marinka bani’aadannimada ee wadada isku xirta Xudeydah iyo Sanca, kaasoo ahaa inuu dhaqangalo Axaddii hore. Hargeisa Office Wajaalenews.net Wariye Akadir Habbane COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|