|
|||||
WAJAALE NEWS
Xorriyadda Ra’yi dhiibashada iyo Xadhigga Muwaaddiniinta keebaa Sax ah? W/Q: Prof. Mohamoud Hussein Farah
January 15, 2019 - Written by Reporter:Si xun u adeegsiga Sumcada iyo karaamadda madaxweynaha: Xorriyadda Ra’yi dhiibashada iyo Xadhiga Muwaadiniinta keebaa sax ah?. Hordhac: Qormadaydani waxay daaran tahay arin cajiib ah oo baryahan dabe bulshadeena reer Somaliland ku dhex wareegaysay taas oo igu kaliftay inaan qoraalkan kooban diyaariyo markii aan arkey isku dhaca muwaaddinka iyo xukuumadda/Bileyska oo sii kordhay sabab la’aan ee waliba arimaha khuseeya xoriyadul qawlka iyo rayidhiibashadda, gaar ahaan markii aan maqley booliska oo soo xidhey muwaaddin farriin togan u dirayey xukuumadda iyo bulshadda isagoo ka xumaadey wixii uu kusoo arkey saldhig lagu xidhay iyo sidii loola dhaqmay, anigoo qormadan iyo taladaydan saldhig uga dhigaya, shareecadda islaamka, dhaqankeena suuban anshaxa iyo xeerarka heer gobaleed iyo kuwa caalamiga ahba , taas oo ah arinta Xoriyadda ra’yi dhiibashada, xadhiga muwaadiniinta wax toosinaya iyagoo ka duulaya mabaadiid iyo wax toosin. Hormuudka Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa. Prof. Sallin Marka aan sidaa leeyahay uma jeedo cidii dhaawac iyo aflagaado qaawan ku hadasha halla- daayo, balse qormadaydan ayaan ku sharixi doonaa ta wanaagsan iyo ta xun iyo ujeedooyinka laga leeyahay in muwaadinka iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muse Biixi Cabdi la isku dhufto si dano siyaasadeed iyo dano shakhsi loo helo. Sidaa daraadeed, marka aynu si guud u eegno Caalamiyan waxa la isla aqoonsan yahay in Xuquuqaha bani’aadamku yihiin wax aanu qofka bani’aadamka ahi marnaba ka maarmi karin, la’aantoodna ayna suurto gal u ahayn inuu qofka bani’aadamka ahi ku noolaado nolol fiican oo raaxo leh. Sidoo kale xuquuqaha bani’aadamku waa aasaaska xaqiijinta wadajirka iyo horumarka dhaqan- dhaqaale, bulsheed iyo siyaaadeed ee bulsho ama ummad kasta. Sidaadaraadeed, bulashoweynta caalamku waxay soo saareen Baaqyo iyo Cahdiyo Caalami ah iyo kuwo Heer Gobeleed aoo dammaanad qaadaya ilaalinta iyo xurmeynta xuquuqaha bani’aadamka. Xuquuqaha bani’aadamka ee ay dammaanad qaadeen Xeerarka iyo Cahdiyada Xuquuqaha bani’aadamka ee Caalamka iyo ku Heer Goboleed waxa ka mid ah xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxafadda xorta ah. Baaqyada iyo Cahdiyada caalamiga ah ee aqoonsan sidoo kalena dammanad qaadaya xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo xoriyadda sxaafadda waxa ka mid ah kuwan soo socda: Marka la dhuuxo Qodobada baaqyada iyo Cahdiyada aan kor ku sheegeney, waxa ino soo baxaya in xoriyadda Ra’yi dhiibashadu ee qofka bani aadamki tahay xuq uu qofkasta u leeyahay in uu cabiro una badhigo rayigiisa hadal ahaan, qoraal ahaan, sawir ahaan, muuqal ahaan iyo qaab kasta oo kale ee warbaahineed; oo uu sidoo kalena ka radsadao oo ku helo warar iyo ra’yayda dadka kale qabkasta oo warbaahineed Muhiimadda saxaafaddu/warbaahaintu u leedahay qofka iyo bulshada guud ahaan waxa dheegan karaa odhaahda soomaaliyeed ee tidhaahda “ xog la helyaa talo la helyaa”. Saxaafaadu ama warbaahintu waxay horseedda in qofku ama bulshadu ama dawladdu helo/hesho xogo iyo macluumaad tusinaya baahiyaha dhaqan-dhaqale, bulsheed, iyo siyaasdeed ee u baahan dajinta qorsheyaal ka turjumaya waxka qabashada baahyahahaasi saameynta ku leh nolosha qofka, bulshada ama guud ahaan qarankaba. Sidaasi darteed ayay bulsho-weynta caalamku ugu aqoonsatey saxaafadda iyo warbaahintu inay qayb ka tahay xoriyadda ra’yi diibahshada ee qofka bani’aadamka. Cahdiyada iyo Baaqyada Caalamiga ah iyo kuwa giboleed ee Xuquuqaha Bani’aadamka waxay dhigayaa xad aanuu qofku dhaafi karin marka uu adegsanayo xoriyadiisa dhhibasho. Inta badan ummadaha Qaramada midoobey waxay iala qirsan yihiin inay reban tahay soo bandhigista baahinta araada, macluumaadka ama wararka iyo baahinaha kale ee : Cahdiyada iyo baaqyada caalamaiga ah ee aan kor ku soo sheegney waxay Dawaladaha caalamka ku waajibiyeed iaalinta iyo xurmeynta xuquuqaha bani aadmaka ah oo ay ku jirto xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafaddu. Iyagoo ka duulaya waajibaad koodaasna Dalalka Caalamku waxay Dastuuradooda ku aqoonsadeen xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafadda. Dastuurka Soomaalilandna kama reebbana Dastuurada aqoonsan xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee bani’aadmka oo ay kamid tahay xuquuqda xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafaddu. Waxase xusid mudan in sida uu dhigayo Qodobka 21aad ee Dastuurka Soomaliland, ,in Xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee uu aqoonsaday dammanadna qaadayo Dastuurku loo fasirayo loona dabaqayo si waafaqsan Baaqa caalamiga iyo cahdiyada Caalamiga ah ee xuquuqaha aadamaha inta ay ka waafqsanyihiin ama la jaan qaadayaan Shereecada Islaamka. Si uu qofku u adeegsado ugana faa’iideysto Xaquuqdiisa ra’yi dhiibasho ee uu Dastuurku u dammaanad qaadey, waxa ku xidhan shardi ah in qofku ra’yigiisa u dhiibto si waafaqsan Xeerka. Haddii aan si kale u dhigno Dastuurku wuxuu ogolyahay in Xeer dhigi karo waxyaabo ka reeban oo aanu qofku xaq u lahayn in rayi ka dhiibto. Balse waxa xusid mudan in Xeerkasta oo xaddidaad saraya xaqa ra’yi dhiibashada looga baahan yahay in uu yahay ama noqdo xeer waafqsan farqadda 4aad ee Qodobka 25aad ee Dastuurka, kaasi oo ah Qodob Dastuuriya oo dhigaya xadka guud ( general limitations) ee xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah, una dhigan sidan: “ Dhammaan xoriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqaha qofka kale.” Sidaasidarteed, xaddidaad kasata oo uu xeer saarayo xoriyadda ra’yi dhiibashada waa in ay tahay xadidaad ujeeddadeedu tahay ilaalinta anshax iyo qiyamka guud, amniga iyo xasiloonida dalka iyo xuquuqaka qof kale ama dadka kale. Xaaladda maanta iyo Rayi dhiibashadda: Baryahan danbe waxaa soo kordhayey xadhiga iyo cagajuglaynta dadka rayigooda ku dhiibta si xor ah oo caafimaad qabta kana duulaya qodobada distoorka Somaliland u damaanad -qaadey eek u xusan qodobka 32 faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan “ Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan., Iyadoo sidaa ay tahay hadana fikirkani waxa uu ku kooban yahay oo kaliya arimaha siyaasiga ah ee waliba hadalada siyaasadeed taas oo la is odhan karo nadariyaddani waxay meesha ka saaraysaa rayidhiibashadii lagu gudbineyay qoraalka iyo farshanimadda Badanaa noocan ama hanaankan dadka rayigoodan dhiibtaa waxay ka duulaan mabaadiid ay ku saxayaan ama ku toosinayaan nidaamka ay dhaxalka u leeyihiin, iyo nidaamkooda dawladeed taas oo ay dhaliilo toosin iyo baraarujin ah ugu diraan qaab fariin iyo farshanimo suugaaneed qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerarka iyo anshaxa suuban ee islaamka iyo dhaqankeenu aqoonsanyahay. Sidaa si la mid ah waxa kale oo aqoon cilmi oo xeeel dheer lagu ogaadey jirtaanka dood kale taas oo taageeraysaa nadiriyadda odhanaysa Dhamystirka shakhsiyadeed,(Self-Fulfilment) marka la eego doodan waxa ay leedahay ujeedada rayi dhiibashada laguma xadidi karo helida nidaam xukuumadeed oo wanaagsan ama raadinta runta , balse waxa ay soo kordhineysaa qiyam cusub sida kobaca qofnimo iyo isku filaanshaha shakhisayadeed taas oo ay tahay in la dhawro ‘personal growth and self realisation’ Maxay bulshadu uga aamustaa xuquuqdooda distooriga ah iyo Si aan si toosa u abaarno jawaabta su’aashani waxa ay noqoneysaa dadku ama bulshadu Somaliland ma taqaano waxa uu distoorku xaq u siiyey iyo waxa uu ka reebay xeer, taas oo ay ugu wacantahay in 93% dadkeenu aaney aqoon xuquuqdooda aasaasiga ah taas oo ay ku taageeri lahayeen ama ku kobcin lahayeen garaadkooda rayidhiibasho. Waxa kale oo ka sii daran badanaa bulshadda reer Somaliland waa dad ku mashquulsan wax aan dantooda ahayn sida qabyaaladda, siyaasadda ku jiqsii, luminta wadajirka, taasina waa sababta ay bulshadeenu u lumisay xuquuqo farabadan oo ay lahaayeen sida iney helaan caafimaad, biyo nadiif ah, wado , waxbarasho tayo leh oo bilaash ah iwm. Intaa waxaa sii dheer aqoon la’aan , saboolnimo iyo dad aan dantooda ku foogneyn balse arimaha dhaqdhaqaajinta qabyaaladda iyo nin jeclaysiga ku caan baxay. Waa maxay sababta hayadaha aminga iyo fulinta sharcigu si cad ugu fahmi laayihiin arimahan oo inta badan keena isku dhaca iyo xadhiga? Iyagoo xaalad abuur ah ama aan dooneyn dalku inuu dimuqraadi noqdo ama dad gaar ah ugu adeegsada dano siyaasadeed, taas oo dhexdooda loo adeegsado siyaasad si loo mija xaabiyo dimuqaardidyada ka hana qaadey dalkeena, Iska horkeenida Xukuumadda iyo shacabka si ay u muujiyaan in xukuumadu u baahantahay si loo dajiyo kacdoonka shacabka taasina waa mid ina xasuusineysa guulwadaha xaalkiisa Jawaabta su’aasheena ugu danbeysa ee ah ma ogyahay madaxweynuhu , qayb ahaan haa, waa ta waajibka distooriga ah uu saarey ee ah inuu la dagaalamo wax kasta oo bulshada abadgalyadeeda wax u dhimaya , balse marna uma dhaaran in ciidanka boolisku si xun u adeegsadaan arimahan , waxa kale oo ah inuu madaxweynuhu ogaado sababta ugu weyn ee waxani u dhacayaan iney tahay aqoon la’aan iyo jahli ku habsadey ciidanka booliska Somaliland oo u baahan aqoontooda la dheeli tiro, sidoo kale waxa ay waxani u dhacayaan.
Qaybta kale ee aanu ogeyn madaxweynuhu waa arinta musuqmaasuqa, laaluushka, eexda, qabyaaladda, jahliga, awood darida, isla weynaanta aan meel gaadhsiisaneyn, ku maxaabsiga kalmaddo tilmaamaya kaladii taliye sida “waxaad caydey madaxweynihii”, sidiisiibaad u talaabsatey matalaysaa, “muwaadin dalka gudihiisa ka shaqeeya ayaad madaxweynihii ku tidhi (Madaxweynuhu waa Local), taas oo muddo dhaaf lagu haysto saldhigyadda si muwaadinka iyo ehelkiisa loogu baadho jeebkooda, qofka aan ehel daba socda lahayna hadalkiisaba daa waa looma ooyaan!. Waxa kale oo aanu madaxweynuhu ogeyn in shaqo ay u tahay baadhayaasha boolisku iney naas irmaan ka dhigtaan cadaaladana ku daahiyaan, run ahaantiina waa meesha cadaaladda dalku ka qaloocdo.
Xalka iyo Talo bixintu waa; In la ixtiraamo Dastuurka, Mabaadiida Shareecadda Islaamka, Xeerarka iyo dhaqanka suuban iyadoo la dhiirigalinayo Xorriyadda ra’yi dhiibashadda aan turxaanta lahayn ee caafimaadka qabta, si loo kobciyo garaadka iyo ra’yiga bulshadda Somaliland. In hayadaha sharciga fuliyaa fahmaan xuquuqda distooriga ah In hayadaha sirdoonku baadhid ku sameeyaan waxa dhacaya iyo sida ay u dhacayaan talo wax ku ool ahna madaxweynaha ka siiyaan iyadoo la adeegsanayo mabda isdheelitirka (separation of power, Check and Balance), tan macnaheedu waa in hayada sirdoonku xog ka haysaa hayadaha dawladda dhexdeeda iyo dibadeba , In la miisaamo ra’yi dhiibashada iyadoo loo kala saarayo mid waxyeelo leh iyo mid wanaag leh.
Prof. Maxamuud Xuseen Faarax Bare sare oo Jaamacaddeed iyo Sharci yaqaan
Related posts:Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Tahli Kari La' Wax Ka Qabashada Sarifka Lacagaha Qalaad Oo Qaaliyoobay Bisaarada Dalka Ka Jirta iyo Basaskii oo Iska Reebay Wiilashii u Shaqaynaayey (kirishboygii)qalinkii... Magacaabid Miyaan Waxba Uga Dambayn Degmooyinka Iyo Gobolada Cusub .Qalinka:- Garyaqaan Muuse Yuusuf COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|