|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Difaaca Dawlada Ingiriiska Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland Iyo Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Kamida Xukuumada.
January 6, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf Iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani ayaa dalka ku soo dhaweeyey wasiirka difaaca dawlada Ingriiska(Uk) Gavin Williamson, oo ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee Egal International Airport. Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska oo si weyn ay wada shaqayn weyn leeyihiin kaasi oo tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay soo dhawaynayso waxaana hadaladisa ka mid ah(‘’Waxaanu soo dalka ku soo dhawaynay wasiirkaDifaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’) Ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf. Imaatinka wasiirka difaaca dawlada Ingriiska (Uk) Gavin Williamson ayaa ku soo beeg maya xili wasaarada gaashaandhigu ay horumaro iyo dadaalo ay ku doonayso in ay kor ugu qaado dhanka dhanka xidhiidhka iyo wada shaqaynta dawladaha dibada uu yimi taasi oo doonaysa in ay kor u qaado dhanka Amaanka guud ee madaqada, hanaanka xaqsiinta ciidamada ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono Xoghayaha difaaca ee dawlada Ingriisku. Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska oo ah masuul meeqaam sare ku leh dawlada Ingriiska ayaa safarkan uu dalka Somaliland ku imid ah mid meeqaamka iyo qaranimada somaliland kor u qaadaysa in sarkaalkaas uu dalka imaado. Isagoo dhanka kale kulan layeeshay taliyaha ciidanka bada iyo saraakiil kale oo ku wehelisay. Related posts:Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Go’aansaday Inuu Siiyo Abaal Gud Iyo Derejo labadaa Askari, Iyagoo, lo... Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Shirka Beesha Araba Una Rajeeyay Guul. Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inaanay Aqoonsanayn In Dalkeeda Lagu Galo Baasaboorka Soomaaliya ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|