Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo Mowqif Midaysan Ka Soo Wada Saaray Arrimaha Doorashoyinka+Waddani oo Ka Muquurtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo Mowqif Midaysan Ka Soo Wada Saaray Arrimaha Doorashoyinka+Waddani oo Ka Muquurtay
January 3, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa kulan laba geesood ah ku yeeshay Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid iyo Xisbi xaakimka talada dalka haya ee Kulmiye, Waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici).

Kulankaasi ayaa looga hadlayay muranka ku aadan qabsoomida Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka, Iyadoona kulankaasi aanu ka soo qayb gelin Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ooh ore isagu u sheegay in la kalaa diro Koomiishanka, Waxaana labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid u wada hadley Axmed Dheere iyo Cabdinaasir Qodax.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS