|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Maraykan Ah Oo Walaac Ka Muujiyay Jihada Ay U Socoto Somaaliya, Kana Horyimid Caydhinta Ergayga Qaramada Midoobay!
January 3, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay jihada ay ku socoto dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ka Xun yahay sida uu yahay Xaalka Soomaaliya. Xildhibaan Eliot oo ah guddoomiyaha guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa wuxuu ka horyimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom. Wuxuna Yidhi “Iyadoo ay jiraan xaalado dawladeed oo sii xumaanaya iyo dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Caydhinta ergayga Nicholas Haysom waxay sii kordhisay walaaca aan ka qabo jihada ay ku socoto Soomaaliya.” Sidaas ayuu xildhibaan Eliot ku yidhi qoraal kooban oo uu geliyay barta uu aqalka wakiilada ee Maraykanku ku leeyahay twitterka. Qoraalkan kooban ee uu xildhibaan Eliot baahiyay wuxuu tilmaan u yahay sida uu Baarlamaanka Maraykanku u arko xaaladda Soomaaliya iyo dawladda Maxamed Farmaajo. XIGASHO WARGAYSKA GEESKA.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|