|
|||||
WAJAALE NEWS
Xafaayadaha Carruurta Yar Yar Oo Laga Helay Maadooyin Sun Ah!
January 25, 2019 - Written by Editor:FRANCE (W,N)-Baadhitaan ay samaysay Ha’ayada faya-dhawrka caafimaadka cuntooyinka iyo Deegaanka ee Dalka Faransiiska oo magaceeda loo soo gaabiyo “ANAS”, ayaa lagu ogaaday in xafaayaha carruurta ee lagu isticmaalo gudaha Dalkaasi laga helay maadooyin sun ah. Waxa kale oo ay ha’adaasi cadaysay in ay deraasaddo kala duwan ku sameeyaan xafaayadahaasi isla markaana la xaqiijiyay in ay ku jiraan maadooyin kiimiko ah oo halis galinaya caafimadka carruurta loo xidho xafaayadahaasi . Maadooyinka kimikada ah waxa ay ha’addaasi ku tilmaantay in ay yihiin kuwa loo adeegsado waxyaabaha la isku qurxiyo iyo sidoo kale cadarrada qaarkood, waxa aanay sheegtay in dhamaan maadooyinkaasi ay yihiin kuwa halis ah. Waxa ay Amar ku siisay shirkadaha sameeya xafaayadahaasi iyo sidoo kale ganacsatada in ay si deg deg u xaqiijiyaan in maaddadaasi laga daayay xafaayadaha. TURJUMADII WARGAYSKA HIMILO. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|