Wasaaradda Maaliyadda: Tobaneeye Qof Uun Baa La Isku Bedelaaye Shaqaalaha Kale Miyeyna Xaq U Lahayn In la Dalacsiiyo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Maaliyadda: Tobaneeye Qof Uun Baa La Isku Bedelaaye Shaqaalaha Kale Miyeyna Xaq U Lahayn In la Dalacsiiyo!!
January 24, 2019 - Written by Editor:

“Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Ehel u Noqotay kooxo Ku Kala Irdhoobay Xilalka ay U Cumaamadaan Masuuliyiinta Sare Ee Wasaaradaas Iyo Ficiltankooga Oo Ragaadiyay Habsami U Socodkii Shaqo Ee Wasaaradaasi!!!

HARGAYSA(W,N)Waaxyaha Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa Ehel u Noqotay kooxo Ku Kala Irdhoobay Xilalka ay u Cumaamadaan Masuuliyiinta Sare Ee Wasaaradaas Iyo Ficiltankooga Oo Ragaadiyay Habsami U Socodkii Shaqo Ee Wasaaradaas.

Sidoo kale, Marka muddo la joogo in kolba isku shaandheyn lagu sameeyo waaxyaha wasaaradda waa muhiim, waxaana ku hagaagta shaqada qaranka loo hayo, taas oo sababta in lagu tartamo shaqadda oo ninba ninka kale doonno inuu ka badiyo.

Hadaba, su’aashu waxay tahay labadd arrimood miyaana la isku keeni Karin, inta kooxaysiga laga daayo miyaan kolba koox cusub la tijaabin Karin waxtarkoodda.???????!!!!!!!.

Maxa Saxsan, Maxa Khaldan: Afar Qodob oo aan ku Soo koobayo Isku shaandheyntan Cusub.

Sida ka muuqata isku shaandheyntan waxa gacan weyn ku lahaa amaba soo qortay in loo magacaabo agaasimaha guud ee cusub Mr:Gurxan oo dib usoo celiyey asxaabtiisii uu seefta la gallay wasiirkii hore ee Maaliyadda Yuusuf yare, waxaanay u badan yihiin ragan la magacaabay kuwii uu magacaabay wasiiirkii hore Maxamed Xaashi iyo Cabdicasiis Samaale oo agaasumuhu ka mid ahaa dhallinyaradiii uu Maxamed Xaashi soo saaray waagaasi.

Laba qodobna Waan ku amaanaya labana waan ku dhaliilaya:

Laba arrimood ee aan ku amaanaya waxay tahay: mid way ka shaqo iyo dadaal badan yihiin kuwii ay bedeleen oo waa ragii kor u qaaday ururinta cashuuraha waagii Xaashi iyo Samaale, midna way ka jeeb yaraanayaan kuwii ka horeeyey oo xaga amateedkoodda wuu ka yar yahay kuwii ay bedeleen sida hore loogu arkay waagii ay xilkan hayeen.

Labana waan ku dhaliilayaa:

1.In masuul kasta oo wasaaradad laga soo xushay oo noqday gaasime guud ama noqdo wasiir inuu kooxdii ay wada shaqayn jireen ku taxo xilalka wasaaradda waa khalad, shaqaduna in kooxaysi noqoto oo garabyo kala noqdaan waa laga fiican yahay.

2;Ta labaad, In kolba koox hore loo soo Tijaabiyey Dib loo soo Celiyo Waxay niyad jab ku tahay shaqaale weynaha niyada ku dhisanayey in la dalacsiiyo, in kooxdii shalay xilka laga bedelay hadana muddo ka dib iyagii uun dib loo soo celiyo ma farxad galinayso shaqaalaha dadaalka badan samaynaya ee doonaya in la dalacsiiyo.

Hore waxaynu khaatiyaan uga taagnayn wasiir ilaa lixdankii ku hor taagnaa, hadii shaqaaluhu sidaas noqdaan waxay wiiqaysa mustaqbalka shaqaalaha kale ee u baahna in la tijaabiyo markoodda si kartidooda iyo masuuliyadooda u tijaabiyaan.

Sidaas awgeed, waa in wasaaradda laga daayaa kooxaysiga iyo in kii shalay la bedelay uun dib loo soo celiyo ee waa in Shaqaalaha kale Markooda fursad la Siiyo .

 

QALINKII ;SAXAFI BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR

COMMENTS
LINKS