Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Jsl Oo Joojisay Ruqsan Bixinta Jaamacadaha Cusub Iyo Awaamiir Ay Duldhigay Kuwii Hore! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Jsl Oo Joojisay Ruqsan Bixinta Jaamacadaha Cusub Iyo Awaamiir Ay Duldhigay Kuwii Hore!
January 14, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Soomaalilaand ayaa mamnuucday in dalka laga furo Jaamacado cusub iyo in Jaamacadihii hore u jiray ay furtaan laamo cusub, sida lagu sheegay Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay dib u qiimayn ku samaynayaan Jaamacadaha dalka, si loo hubiyo tayada waxbarashada ay bixiyaan iyo halbeegyada Jaamacadaha dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa wadda dedaal baaxad leh oo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada dalka, iyada oo bishii la soo dhaafayna ay Wasaaraddu joojisay furashada dugsiyada gaarka ah ee cusub iyo in kuwii hore u jiray laamo cusub furtaan.

Halkan ka Akhri Wareegtada Ay soo saartay Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Jsl..

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS