War Deg Deg Ah: Rabashado Ka Bilaabmay Magaalada Jigjiga iyo Dhawaqa Rasaasta oo La Maqlayo (SAWIRRO) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Rabashado Ka Bilaabmay Magaalada Jigjiga iyo Dhawaqa Rasaasta oo La Maqlayo (SAWIRRO)
January 29, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in rabshado ay ka bilaabmeen magaalada Jigjiga, waxaana xaafadaha qaar laga maqlayaa dhawaqa rasaasta.

Waxa ay Wararku sheegayaan in qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay xidheen waddooyinka qaar ee magaalada,waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha.

Sidoo kale Wararka ayaa intaa ku daraya in qowmiyadda amxaaradda ay ka cadhoodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaadhsiiyay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Dowlad Deegaanka, xaalada ayaana caawa u muuqata mid qasan.

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wararka Ee Wajaalenews.net

WAJAALENEWS DESK

JIGJIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS