Wafti Ka Socday Dawlada Emaraadka Carabta Oo Maalintii Labaad Ku Sugan Deegaanka Biyo Guure Ee Gobolka Saaxil Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedadda Socdaalkooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socday Dawlada Emaraadka Carabta Oo Maalintii Labaad Ku Sugan Deegaanka Biyo Guure Ee Gobolka Saaxil Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedadda Socdaalkooda!
January 14, 2019 - Written by Editor:

Maxaa ka Jira In Waftiga Emaraadka Carabka ka socday Mudo Laba Cisho ah Ku Go,doonsan Yihiin Deegaanka Biyo Guure Ee Gobolka Saaxil?

BERBERA(W,N) Wafti ka Socda Dawlada Emaraadka Carabka Ayaa Maalintii Sabtida Ahayd Waxay socdaal ku yimaadeen Somaliland Iyagoo isla maalintiiba ugu sii gudbay dhinaca Gobolka Saaxil.

Wararka Aanu ka helayso Xubnaha Waftigan oo uu Horkacayo La taliyaha Boqorka Emaaraadka ayaa la sheegay in ay kooban yihiin 18 xubnood oo iskugu jira Saraakiil ciidan Iyo Caylada Qoyska lataliyaha Boqorka.

Waftigan ayaa waxa la socday safiirka somaliland ufadhiya Emaraadka Amb. Xasan Hirad kaasi sida xoguhu tibaaxeen socdaalka Waftigan ujeedada ay usocdaan ku wargaliyay xubno ka dhow xafiiska madaxwaynaha iyo wasiirka gadiidka kaasi oo ay ka wada socdeen arimaha ay usocdaan, iyadoo ujeedada socdaalkoodana lagu   sheegay in ay yihii dalxiisayaal balse waji kale yeeshay markii ay gaadheen deegaanka Biyo Guure oo 20kilomitir dhinaca bari ka xigta Magaalada Berbera.

Sidoo kale xogaha laga helayo waftigan ayaa tibaaxay in marki ay gaadheen deegaanka Biyo Guure  bulshada ku dhaqani ay ka bixiyeen   dareeno shaki Abuuray isagoo xukuumada kusoow wargliyay arimaha ay waftigan ku hawlan yihiin.

socdaalka xubnahan ka socday dawlada emaraadka ayaa lagu sheegay in yihiin dalxiisayaal balse markii ay deeganka gaadheen waxay bilabeen sidii ay ugaadh uga qaadan lahaayeen somaliland gaar ahaan shinbirka galaydhka

Hadaba arinka waftigan ayaa abuurtay dareeno kala duwan kuwaasi oo markii danbe keentay in xukuumada ka dabada dirto ciidan iyo maamulka gobolka saaxil oo lagu amray in talaabo ka qadaan xubnahan dawlada emaradka ka socday islamarkaana halka ay ku sugan yihiin lagu horjooga ilaa inta war danbe kasoo baxay dhinaca xukuumada dhexe , wallow aan xaga xukuumada iyo maamulka gobolka midna wali war rasmi ah laga helin oo khuseeya socdaalka waftigan.

Wararka aanu ka helayno waftigan ayaa intaa ku daray in deeganka biyo guure xubnaha waftigan uu hlkaasi ciidan ku horjooga iyadoo gabi ahaanba loo diiday in ay wax dhaq dhaqaaqa sameeyan halka wararka qaarna tibaaxeen in xubnahi ku jiraan go,doon iyadoo xataa aanay haysan wax cuno ah saadkaleba.

 

Dhanka kale socdaalka waftiga dawlada meraadka ka socday ayaa la sheegay in uu khilaaf ka dhex abuuray wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka maaliyada oo isagu si hoose ula socday socdaalka xubahan dawlada emaraadka .

Waftiga emaaraadka ka socday ayaa maalinkii labaad ku godoonsan deegaanka biyo guure iyadoo sida xogahani tibaaxeen loo diiday in halkaasi dhinac uga baxaan amaba ay dib ugu soo noqdaan dhinaca magaalada berbera.

Sikastaba ha ahaatee talaabadan uu hormuudka ka yahay safiirka socod baradka ah ee dhawaan xukuumada madaxwayne muuse biixi umagacowday safiirka emaraadka

Halka talaabadii uhoraysay ee uu qaaday ay keentay arintan  isamarkaana sida khaldan loola dhaqmay waftigan ka socday dawlada emaraadka oo  la odhan karo waxaa sobob u ah khibrad la,aanta safiirka isaga oo aan   wax wargalin ah gaadhsiinin   wasaarada ay khusayso iyo maamulka gobolka ayaa laga cabsi qabaa in keento khilaaf soo kala dhex gala Xidhiidhka somaliland iyo dawlada emaraadka oo iyadu somaliland kula jirtay heshiisyo kala duwan balse dhacdadan ayaa ku noqonysa mid keeni karta in xidhiidhka labada dal ku xumaado halka dhinaca kalena ay ka noqonayso waftigii u horeeyay ee uu safiirka xasan dalka keeno oo waji gabax iyo bahdil la kulmay.

Safiirkii hore ee somaliland ufadhiyay dalka emaraadka Baashe Cawil oo Xiligan ah safiirka somaliland ee dalka kenya ayaa Mudadii  ahaa  uu safiirka ka ahaa dalka emaaraadka ku guulaystay in uu ka shaqeeyo sidii uu u wanaagsanaan lahaa  xidhiidhka labada dal isago oo ku guulaystay in uu isku soo dhaweeyo  cilaaqaadka labada dal iyadoo dhanka kale intii uu joogay aanay dhicin arin noocan oo kale ahi

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena danbe

Wajaalenews desk

Berbera office

Email;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS