|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waddani keligii Ma Laha Awood Sharci Ama Sharci Darro Uu Ku Hor Joogsan Karo Doorashada eh, Ma Wuxu Kubadda U Salaxayaa Labada Xisbi Ee Kale”Cali Guray.
January 5, 2019 - Written by Editor:WAA SUA’AAL DA’ WAYNOO! Waxa la yidhi; nin faras dabadii ka degay wax u dhaamuu waayay. UCID iyo WADDANI waa laba xisbi oo mucaarid ah sidaa Daraadeed waxay ahayd inay dhinac ka soo wada jeedaan ee kee ayay si wax ka yihiin? ma doorasho-doonka mise doorasho-diidka? Anigu weligayba labadaa wax uma qaybinin oo mar kasta doorasho-doon ayuun baan ahaa ama la jiray haddana la jiraa. Weligay lama arag oo la sheegi maayo anigoo doorasho-diid la saftay oo sababtii aan Kulmiyeba uga tegay lafteeda ayaaba halkaa ku arooraysay. Dhawrkii sanadood ee ina dhaafay mar kasta waxan ka soo horjeeday doorasho-diidka tan iyo intii aan la asaasin xisbiga Waddani ee Cirro ahaa Gudoomiyaha Wakiilada Xirsina Wasiirka Madaxtooyada ahaa gacansaarka wanaagsanna ay lahayeen labadooduna ay markaa hogaaminayeen Doorasho-diidkii odaygii Axmed labada sanadood ee muddo kordhinta ah isagoo khaati joogay oon doonayn sanka kaga tolay ee tabta ”ii kordhi aan kuu kordhiyo eh” ku soo wada mooday mudada badan. Ciddii xasuusani way xasuusan tahaye maalintii odaygu isagoo jeedinayay khudbad sanadeedkiisa sanadkii 2014kii uu ku soo daray in aanu saacad ku darsanayn marka muddo xileedkiisu dhamaado waxan qoraal iyo shaashdda Tvgaba ka sheegay in odayga ay sidaasi run ka ahayd balse ay jiraan kuwo ka hoos leh “waxba kama jiraan wuxu sheegayo ee laba sanadood oo qasab ah ayaa loo kordhinayaa”. Doorasho-diidku xiligaa way badnaayeen dalkana iyaga ayaa ugu awood badnaa oo labada aqal ee Baarlamanka iyo Madaxtooyadaba haystay. Sidaa daraadeed waxan markaa sheegay in ta odaygu ay waxba kama jiraan noqon doonto kuwa ka hoos niiq leh ee doorasho-diidka ahna tooda qasab ku meel marinayaan iyadoo odayga iyo inta doorasho-doonka ah oo shacbiga Somaliland kow ka ahaaba aan loo joojinayn hadalkii odaygana laga dhigi doono hal bacaad lagu lisay. Axmed Silaanyo oo hadiii ay tiisa noqon lahayd sanadkii ugu horeeyayba xilka iska wareejin lahaa ayaa todoba sanadood oo cir Alleh ka bishay kursiga lagu hayay oo la lahaa iyagayska hawhaw lehe xaga bari ka laba gura. Hadaba dad badan oo xogogaal ahaa si fiican bay ula socdeen ciyaartii berigaa iyo danihii doorasho-diidka eh yaa fahmay oo garanaya danta doorasho-diidka maanta? Anigu sixi waayay runtii waayo Waddani keligii ma laha awood sharci ama sharci darro uu ku hor joogsan karo doorashada eh ma wuxu kubadda u salaxayaa labada xisbi ee kale in keligood iska wada yeeshaan 82ka Xildhibaan ee wakiilada iyo dhamaan golayaasha degaanada oo dhan marka ay doorashadu dhacdo? Ma waxa siyaasad xisbi mucaarid ah doorasho yay qabsoomin hadiise indhahooda oo Shan ah qabsoonto oo loo joojin waayo ma Xisbul Xaakimku inu yeesho tirada badan (Majority) ayaa mawwqif xisbi mucaarid ah dantiisuna ku jiri kartaa? Cajiib! tan kale miyaanay jirin dad han leh oo iyagu taageerayaashoodiina haysta oo huba inay tartami karaan kuna soo bixi karaan Xildhibaanada dambe oo ka mid ah xisbiga Waddani? Miyaanayse kuwaasi Cabdiraxmaan Cirro markiisii gurin xaqna ugu lahayn in isaguna uu markooda guro? Hadaba aniga oon hadalkii Ina Cali Waraabe waxba ka soo qaadin UCID isaga mawqifkiisa gartay oo waa NIN FARAS DABADII KA DEGAY WAX U DHAAMUU WAAYAYE bal xisbiga WADDANI; WAA SUA’AAL DA’ WAYNOO MADAXA DAALINAYSEE MUXUU DOONAYAA? SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY). Related posts:DAAWO; Wasaaradda Waxbarashada JSL Iyo Hay'adaha Caalamiga ah Oo ka Wada Hadlay Tayaynta Adeegyada ... DAAWO; Siyaasiyiinta, Wax-garadka, iyo Aqoonyahanka Beelaha Subeer Awal Ee Xisbiga WADDANI oo Cade... Gudida Ansixinta Gobolka Gabiley Oo Bulshada Ugu Baaqay In Ay Qaataan Kaadhka Codbixinta, Fariina Ud... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|