Trump oo Sameeyay Fal Aan Looga Baran Madaxdii Hore | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Trump oo Sameeyay Fal Aan Looga Baran Madaxdii Hore
January 24, 2019 - Written by Reporter:

Washigton (WJN)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu jeedin doonin khudbaddiisa sannadlaha ah ee ku saabsan arrimaha dowladda ilaa laga soo afjaro xannibaadda howlaha dowladda.

Arbacadii shalay ayey Nancy Pelosi oo ah haweeneyda af hayeenka ka ah aqalka wakiillada ee Koongareeska la noqotay casuumaaddii ay u dirtay madaxweynaha si uu khudbadda uga jeediyo mudaneyaasha hortooda.

Waxay sidoo kale sheegtay in ay khasab tahay in marka hore dib loo howl galiyo dhammaan adeegyada dowladda.

Xannibaadda howlaha xukuumadda Mareykanka ayaa sababtay in tan iyo 22-kii bishii Desembar aysan wax mushaar ah helin dad gaadhaya 800,000 oo ka howl galayay laamaha kala duwan ee federaalka.

Mr Trump ayaa doonaya in loo oggolaado lacag dhan $5.7 bilyan oo doolar, si uu ugu adeegsado dhismaha darbi u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.

Hase ahaatee hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraaddiga ah oo dhawaan awoodda golaha wakiillada la wareegay ayaa ku gacan seydhay dalabkaas.

Muranka la xidhiidha amaanka xuduudda ayaa sababay xannibaaddii howlaha dowladda ee ugu wakhtiga dheereyd guud ahaan taariikhda dalka Mareykanka.

Muxuu Mr Trump yidhi?

Inkastoo uu hore u sheegay in khudbadda uu ku aadin doono wakhtigeeda saxda ah isla markaana ay muhiim tahay jeedinteeda, wuxuu xalay qirtay in uusan ka dhabeyn karin ballan qaadkiisii ahaa inuu khudbaddan soo gudbiyo.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qeexay in xal loo helay diidmada ay Ms Pelosi ugu diiday khudbadda Koongareeska, ilaa inta laga soo afjarayo xanibaadda – oo hadda ku jirta maalintii 34-aad.

Siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ayaa ku doodaya in tallaabada uu Trump ku hakiyay howlaha xukuumadda ay sababi karto cawaaqib xumo aad u weyn, balse Mr Trump ayaa gaashaanka ku dhuftay in arrintan ay keeneyso walaac dhinaca amniga ah.

 

Source: BBC

COMMENTS
LINKS