Togdheer: Wershada Sibidhka ee Gebagebo oo 85% Dhismaheedu dhamaaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Togdheer: Wershada Sibidhka ee Gebagebo oo 85% Dhismaheedu dhamaaday
January 2, 2019 - Written by Reporter:

Mulkilaha Wershad Sibidh oo markii ugu horaysay Somaliland laga dhisayo oo Baaq iyo Bushaaro u diray Xukuumadda iyo Ganacsatada Dalka.

Burco (WJN)- Wershada Sibidhka ee Gebogebo dhismaheedu ka socdo Deegaanka ay ku taallo oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa 85% dhismaheedu dhamaaday, sida uu sheegay Guddoomiyaha Ganacsatada Maal-gelisay mashruucan.

Wershedan oo dhismaheeda dhawaan la dhagax-dhigay, ayaa hadda waxa dhamaaday qaybihii ugu muhiimsanaa oo ay kamid yihiin meelihii la dhigayey Qalabka, Xafiisyadii iyo qaybtii Mishiinada loogu talogalay.

Ganacsade Maxamed Xaaji Axmed oo ah Mulkilaha Wershadan, ayaa sheegay in dhawaan albaabada loo furi doono Wershadan, soona dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb-qaadanaysa dhamaystirkeeda. “Dhismihii waa dhamaystiran yahay, Qalabkii waa yaallaa, Sibidhkii waa yaallaa, Biyo-gelintii waa diyaar, waxa inaga dhimani waa 15% oo ah Makiinadihii” ayuu yidhi Ganacsade Maxamed Xaaji.

Mulkilaha Wershada Sibidhka ee Gebagebo Ganacsade Maxamed Xaaji

Ganacsade Xaaji waxa uu tilmaamay in cidii doonaysa inay saami ku yeellato Wershada ay soo dhaweynayaan, waxaanu dawladda ugu baaqay inay doorkeeda ka qaadato dhiiri-gelinta Wershadan “Dawladda waxaa looga baahan yahay inay wixii adeeg iyo nidaam ah ee aanu uga baahanay ka howlgasho, waanay balanqaaday”.

Ganacsadaha oo sii hadlayey ayaa sheegay inay sanadkan doonayaan inay soo saaraan ugu yaraan Labaatan kun oo Kiish, wixii ka dambeeyana ay sii kordhiyaan.

Waxa uu hadalkan jeediyey xilli la dhagax-dhigay qaybta Hoyga Shaqaalaha Wershada.

Geesta kalena Guddoomiyaha Degmada Gebogebo, xubno kamida Madaxdhaqameedka Deegaanka laga dhisayo Wershadan iyo Waxgarad iyaguna munaasibada ka hadlay ayaa soo dhaweeyey dhamaystirka Wershadan, waxaanay Dawladda iyo Ganacsatada Dalka ugu baaqeen inay ka qaybqaataan Maalgelinta Wershadan oo ay ku tilmaameen mid kaalin mug leh ka qaadan doonta shaqo abuurka iyo horumarka dalka.

Wershadan oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee dalka laga dhiso, ayaa rejjo weyn gelisay Bulshada Somaliland gaar ahaan, Shacbiga Gobolka Togdheer, kuwaasoo ka naawilaya shaqo-abuur iyo inay wax-soo-saar dalka looga baahan yahay samayso.Wershada Sibidhka ee Gebogebo

Sibidhka ayaa kamida Baddeecadaha ugu qaalisan ee dibada laga keeno, waxaana Sibidhka lagu isticmaalo dalka laga keenaa Wadamada dibada, sida Cumaan, Itoobiya iyo Dalal kale, taasoo sabab u ah Qiimaha Dhismaha oo aad u sareeya.

Somaliland oo ah Waddan khayraadkiisu dihin yahay oo ay hadda Wershadaha yar yari ku soo kordhayaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS