Tareenkii Gaboobay!!! Qalinkii; Maxamed Haaruun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tareenkii Gaboobay!!! Qalinkii; Maxamed Haaruun.
January 28, 2019 - Written by Editor:

Sawiro (ka fikkir) tareen gaboobay, gaboobay oo gaboobay, oo noocii dhuxul-dhagax da ku shaqayn jiray ah. Tareenku si gaabis ah ayuu u soconayaa, rakaab badani na wuu saran yahay. Tareenku ma haysto jid fiican, oo waxa uu ku dul luudayaa xadiid gaboobay, oo gaboobay, oo dhawacyo badan, cidina aanay dayac tiring muddo badan.

Intaas waxa dheer, tareenku darawaliin wanaagsan ma haysto – Darawaliin aan wacnayn buu leeyahay oo u kala dambeeya – mid kastaba kii ka horeeyay wax sidaas ah ma dhaamo, hadii uuna kaba sii liidanin. Liidnimada darawaliintu ma aha uun in aanay wadista ku fiicnayn, waxa se ka daran, in aanay run ahaan hubin jihada ay tareenka u wadaan in ay tahay tii saxda ahayd iyo in kale. Tareenkii noocaas ahaa, ee rakaabka iyo kuwa darawaliinta ka ah ba Ilaahay xalkooda ogaa, waxa uu ku sii jeedaa hadaan ama gebi, dadkii saarnaa na saddex ayay u qaybsameen – qaybta 1aad, waa darawallada, gacanyarayaasha, iyo qayb badan oo rakaabka ka mid ah, waxayna leeyihiin tareenku hir doog leh buu ku socdaa. In kasta oo maalmo badan ay dul saarnaayeen tareenkan, wax hagaagsan na aanay cunin, Hadana dhawaaqooda iyo sawaxanka waa la yaabaa. Waxa ay ku qaylinayaan – alla tareenku wanagsanaa, oo socod wanagsanaa, oo xawaare badanaa, oo darawalku xariifsanaa! Ninkii hadlayaa ba ha iska hadlo. Geedigu ha socdo. Qaybta 2aad ee rakaabka, oo laftoodu aad u tiro badani na, waxa ay leeyihiin – daaya tareen na ma ahee hadaanta lafteeda iyo meel kasta oo daran ha ka dhacee! Qaybta 3aad ee rakaabka, ahna qaybta tiro ahaan ugu yar, iyaku cod xoog u hooseeya ayay ku sheegayaan xaqiiqada ah in tareenku meel daran iyo daadays ku socdo. Waxa u baxaysa heestii ‘Afgarad‘ ee saado Cali – Hadaba ibtilo waa tane, inaka, afgarad yaa inoo sameeya.

QALINKII; MAXAMED HAARUUN’

COMMENTS
LINKS