Taallo Uu Ku Yaalay Calanka Sucuudiga oo Laga Qaadayo Goob Lagu Xusuusto Weerarkii 9/11 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taallo Uu Ku Yaalay Calanka Sucuudiga oo Laga Qaadayo Goob Lagu Xusuusto Weerarkii 9/11
January 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)-Taallo lagu xardhay calanka Sucuudiga ayaa laga qaadaya goobtii uu ka dhacay weerarkii 9/11, waxaana sidoo kale goobta yaallay taalooyin kale oo lagu xardhay calamada dalalka ku buhoobay G20.

Taalladan ayaa kamid aheyd taalooyin dhowr ah oo lagu xardhay calamada dalal ka badan 20.

Mas’uuliyinta waxay sheegeen in taalada lagu xardhay calanka Sucuudiga laga qaadayo goobta maadama meesha lagu xusuusto dhibaatadii murugada laheyd ee ka dhacday halkaasi.

Dadka ku shaqeysta xirfadda farshaxanka ayaa ku baaqaya in loogu talagalay dhiiro gelinta dadka kale ee nolol maalmeedka ka hela howshan.

Laurence Jenkell oo ah farshaxan kasoo jeedo dalka Faransiiska ayaa sheegtay inay dooneyso inay xusto oo la qaddariyo howsha ay qabteen dadka ku shaqeysta xirfadda farshaxanka, waxay sheegtay in taalooyinkan la hirgeliyay sannadkii 2011-kii.

Dad qaar ayaa dhaleeceeyay tallaabada taalooyinka lagu dhigay goobtan ku taalla magaalada Newyork isla markaasna la ogaado khatartii iyo dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Markii cabashada la gudbiyay, maamulka dekedda magaalooyinka New York iyo New Jersey ayaa xaqiijiyay in dhammaan taalooyinkan gaadhaya 20-ka laga raro goobta.

Waxaa la filaya in toddobaadkan halkaasi laga qaado.

15 kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarkii 9/11 waxaa ay u dhasheen Sucuudiga balse boqortooyada waxay beenisay inay wax lug ah ku laheyd dhacdadaasi.

Source: BBC

COMMENTS
LINKS