Suudaan oo Dib U Fureysa Xadka Ay La Wadaagto Eritrea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suudaan oo Dib U Fureysa Xadka Ay La Wadaagto Eritrea
January 31, 2019 - Written by Reporter:

Khartuum (WJN)- Suudaan ayaa dib u fureysaa xadka ay la wadaagto dalka Eritrea kaddib markii sanad ka hor ay xidhay xadka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Suudaan ayaa ka shakiday in xadka Eritrea looga soo gudbiyo hubka sharci darrada ah.

Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Kisala oo ku taalla bariga Suudaan.

“Waxaan shaaca ka qaadaya anigoo ku sugan magaaladan Kisala, in aan dib u fureyno xadka dalkeennu uu la wadaago Eritrea sababtoo ah waa walaalaheen waana dadkayaga, siyaasaddu nama kala qeybiso” ayuu yidhi Al Bashiir.

COMMENTS
LINKS