Sucuudiga oo Shaaciyay Inuu Joojiyay Ololihii Ka Dhanka Ahaa Musuqa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sucuudiga oo Shaaciyay Inuu Joojiyay Ololihii Ka Dhanka Ahaa Musuqa
January 31, 2019 - Written by Reporter:

Riyadh (WJN)- Xadhiga haldoorka ayaa walaac xooggan ku keenay nidaamka dowladda Sucuudiga, kaddib markii qaar ka mid ah hantiilayaasha iyo rag awood ku lahaa dowladda lagu xidhxidhay huteel ka mid ah kuwa raaxada ee waddankaasi.

Dhowr qof oo ka mid ahaa raggii la xidhxidhay ayaa haatan lasii daayay.

Haatan, dowladda Sucuudiga ayaa sheegay in kiiskaasi uu soo dhamaaday.

In ka badan boqol bilyan oo doolar ayaa la sheegayaa in lagu wareejiyay dowladda Sucuudiga, taasi oo u dhiganta hatantidii ay sheegtay inay dowladdu ku raadjoogto.

87 qof ayaa la sheegay inay qirteen lacagaha la lunsaday, halka 8 kalena lasoo sheegayo inay diideen wax dambi ah, kuwaasi ayaana haatana wajahaya dacwad.

Dhaxalsugaha Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa lala xidhiidhinayaa khaarijintii loo geystay weriye Jamaal Khaashuqji.

Inkasta oo dhaxal suguhu ku raja weyn yahay in tallaabadii ka dhanka ahayd musuqmaasuqa ay ku dhiirigelin doonto maalagashadayaasha caalamiga ah in Sucuudigu yahay waddan la maalgashan karo.

Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga.

Xidhitaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada ayaa saraakiisha Sucuudigu waxay hore u sheegeen inay tahay hawlgal billaw ah oo meesha looga saarayo musuqmaasuqa.

Xiliigaasi, ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xidhitaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro.

Guddi musuqmaasuqa la dagaalamayay oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad hore wasiirro u soo noqday ah.

Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa ka mid ahaa dadkii lasoo xidhay, balse dhawaan lasii daayay.

COMMENTS
LINKS