“Somaliland Ka Mucaaridka Ahina Wuxu Caaridayo Ma Yaqaan, ka Muxaafidka ah Laftiisuna Ma Garanayo Wuxu Xaafidayo”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Ka Mucaaridka Ahina Wuxu Caaridayo Ma Yaqaan, ka Muxaafidka ah Laftiisuna Ma Garanayo Wuxu Xaafidayo”Cali Guray.
January 23, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamid ah xisbi xaakimka kulmiye islamarkaana ah Shakhsiyaadka sida joogta ah u falanqeeya arimaha ka taagan somaliland iyo hadba waxa ka socda dalka ayaa walaac xoogan ka muujiyay aragtiyaha mucaaridka somaliland iyo muxaafidkaba isagoo hoos ka xariiqay in aanay bulshadu kala fahmayn waxa ay diidan yihiin iyo waxa ay difaacayaan balse muuqaalka hadalkoodu uu kusoo ururayo reernimo.

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Somaliland Yaab badanaa ka Mucaaridka Ahina Wuxu Caaridayo Ma Yaqaan ka Muxaafidka ah Laftiisuna ma Garanayo Wuxu Xaafidayo, hadii Aan Reernimo mucaarid iyo reernimo muxaafid uun arinku ahayn. Markaa muhdi iyo muumin bays dhexgalaye ha kala miirantee muddaan sugi.

Hadii midna wuxu wado aanad garanayn midna wax macno leh kuu sheegayaana jirin saw sidii Islaantii tidhi “hooyo idin kala garanmaayee guulaysta uun xaalkaagu noqon maayo hadii aanad dhinacna u dhuun daloolin wax ay wadaana u war haynin. Waar fiicanaa oo dhulka in ku qaada miyaad ka waayaysaa?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS