|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland Belo Ciddii Ka Doontaa Waa Inay Goor Kastaba Udiyaarsan Tahay Inay Ka Hesho”Cali Guray.
January 29, 2019 - Written by Editor:“HADII LOO TAAG WAAYO SE Waxa La Yidhi; Hadaad Nabad Doonayso Dagaal u Diyaargarow!! (If you want peace prepare for war). Waa runtii wasiirka Somaliland weligeedba Nabad iyo Nabadgelyo ayay u taagnayd. Halku-dhegii Hubdhigista Iyo Abaabul-ka-saarku sagaashanadii ayaaba ahaa NABAD IYO CAANO. Ninkii garanayaa wuu garanayaa. Cid kastaana waxay Ilaahay ka malaysato ayuun bay ka heshaaye malaha Somaliya intay isa saamaxeen oo cid walba saamaxeen Ilaahay sacabada umay dhigan oo “Ilaahayow Nabadgelyo Nasiiba may odhan”. Weli colaad bay xiiso u hayaane soomaalidii hore waxay odhan jirtay; Hadaad xoolo dooni Xamareh ag joog Hadaad xarago dooni Xamareh ag joog Hadaad xilo doonina xamareh ag joog Somaliland belo ciddii ka doontana waa inay goor kastaba u diyaarsan tahay inay ka hesho. Hadda intii ay taageerada dhinaca hubka ah ka heleen Turkiga iyo Qatar durtaba waxad moodaa inay is-tuhmeen Somaliland xaalkeedana ay ku xisaabtameen markaa hadii aanad awoodaada isu geysanin baylahdaadu way badan dagnaanshona lagaa waayi maayo markaa xukuumadda Somaliland taana waa inay ku xisaabtantaa hadii keligeed ay wax kasta ku filan tahayna jaa wax kale. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)
Related posts:Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland oo deeqo kala duwan gaadhsiisay Cusbitalka Guud ee Harge... Xubnihii Laga Caydhiyay Xisbiga Kulmiye oo Hargeysa Kaga Dhawaaqay Garabka Badbaadinta Dimuqraadiyad... Fadeexaddaha Diblomaasiyadeed Ee Hadheeyey Qasriga Madaxtooyadda oo Anfariir ku Riday Dawladaha Deri... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|