|
|||||
WAJAALE NEWS
“Siyaasadu Waa Xidigis, Xiliga Laga Fooliyee, Duqayda Oromada La Xaal, Sidii Badhasaab U xiin”.Abwaan laabsaalax,
January 6, 2019 - Written by Editor:HALKAN KA AKHRI; Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Tiriyay Gabay Kooban Oo Uu Kaga Hadlayo Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliland.HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan dhuxul laabsaalax oo kamida hal abuurka dadka afka somaliga ku hadla kuwa ugu caansan islamarkaana ahaa aas aasihii kooxda shaacbaxday ee xidigaha geeska ayaa maanso kooban oo uu soo saaray kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo sida loogu baahan yahay hogaamiye wadamada dunida xidhiidh la sameeyay Somaliland u jiheeya wado cusub oo ay caalamka kula jaan qaado.
Sidoo kale Abwaan Laabsaalax ayaa duurxul sugaaneed kula hadlay madaxwayne biixi isagoo tusaale usoo qaatay madaxdhaqameedkii oromada ee Somaliland yimiday iyo kulankii madaxwayne biixi xuduuda wajaale uu kula yeeshay madaxdwaynaha ismaamulka somalida itoobiya. Gabaygan kooban ee Abwaan laabsaalax tiriyay ayaa wuxuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada Ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan; Siyaasadu Waa Xidigis Xiliga Laga Fooliyoo Dabaylaha kaa Xannibay Dhacdada Laga Soo Xigtee Hadaanad u Xeel Baxayn. Geeskaa Hada kaa Xidhxidhan Sideed Ula Xaalad Noqon. ~~~~~~~~~~~~~~~~~~ Ninkaa Lagu Soo Dul xidhay Haduu Kugu Sii Dul Xidhay Horaad Ugu Sii Xidhnayd Xeradan Kugu Oodantee Kuwaan la Lahaa Xadkaan Xidhiidhka U Goynayaa Tv_yada kaga sii Xadree Xidhiidh La Samee japan Carabta Sii wada Xumee Dunida Ruushkaa Xukuma Xodxodo Adigaa Danlee Xaqbaa Iga Maqan Ku Dood Chain_aha Xiisaha U qaba Africa Badideed u Xilo Iiraantani Waa Xigtee Adoo Xiimaya U Duul Hadii Kale Waa Xujee Duqayda Oromada la xaal Sidii Badhasaab u xiin. Hadeer kililkaa Xalee! Xabaal Mustawaha saroo Taariikh hor leh noo Xariiq! ABWAAN XASAN DHUXUL “”Laabsaalax””
Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Dawladda Jabuuti Ku Hambalyeeyey 44-Guurada Kasoo Wareegtay Maalint... Loolan Siyaasadeed Oo Maalintii Sadexaad Labada Xisbi Qaran Ee Wadani Iyo Kulmiye Uga Socda Gobolka... Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Abaalmarisay Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Sannadkii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|