Shirkada Adeegyada Sharci Ee (East Africa Law Firm) oo Hargeysa Ku Qabatay Tobabar Kor Loogu Qaadayo Xirfada Qareenada Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Adeegyada Sharci Ee (East Africa Law Firm) oo Hargeysa Ku Qabatay Tobabar Kor Loogu Qaadayo Xirfada Qareenada Dalka
January 31, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Shirkada adeegyada sharci ee Bariga Afrika (East Africa Law Frim) ayaa qabatay tababar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfada Qareenada si loo helo qareeno la jaan qaadi kara qareenada dunida aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba.

Kulankan waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland, Khubaro aqoonta sharciga ku xeeldheer iyo madaxda xafiisyada Somaliland ee Hay”addaha UNDP iyo UNSOM.

Tobabaradan oo noqon doona kuwa taxane ah, ayaa maanta koodii ugu horeeyay lagu qabtay xafiiska shirkada adeegyada sharci ee (East Africa Law Frim) ee Hargeysa, Iyada oo dhawaana ay qaban doonaan tobabaro kale oo arintan ku saabsan.

Guddoomiyaha shirkada adeegyada sharciga ee Barkiga Afrika Maxamed Siciid Xirsi oo ugu horayn kulanka ka hadley ayaa faah faahiyay ujeedka tobabarkan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS