Shirka Golaha Wasiirradda Somaliland oo Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada iyo Diyaar-Garowga Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Golaha Wasiirradda Somaliland oo Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada iyo Diyaar-Garowga Doorashooyinka
January 24, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Kal-fadhigii 28-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2019, waxa lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka, sidoo kale waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, kuwaas oo ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahaas.

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya.

Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS